Hargeysa,(HargeisaPress) —Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI ayaa mar kale cadeeyey mawqifka ay ka taagan yihiin ka xisbi ahaan guddiga ay shir gudoonka golaha guurtidu u saareen kasoo tallo bixinta muddo kordhinta xukuumadda madaxwayne SIilaanyo loo samaynayo.
Waxaana arrinkan ka hadlay xoghayaha guud ee xisbiga WADDANI Maxamed Cabdilaahi Uur-cadde iyo Ku Simaha Xog-Hayaha Guud Ee Xisbiga Ucid Cabdinaasir Yuusuf Cismaan (Qodax),,waxaana ay sheegeen in wakhti xaadirkan aanu dalku u baahan in uu mar xallad kale galo,waxaana ay golaha guurtida ugu baaqeen in ay tixgaliyaan codsiga losoo gudbiyey.
HargeisaPress News Desk —Hargeysa