Xisbiga Waddani Oo Madal Ilyartu Isqabatay Maanta Ku Soo Dhaweeyey Siyaasiyiin, madaxdhaqameed iyo taageerayaal Ka Soo Jeeda Beelaha Gabooye + SAWIRRO

0
947

Hargeysa, (HargeisaPress) — Munaasibad si heer sare ah loo soo agaasimay oo xisbiga mucaaradka ah ee Waddani uu ku soo dhawaynaayey siyaasiyiin, madax-dhaqameed, haween, dhalinyaro iyo taageerayaal aad u tira badan oo ka soo jeeda beelaha Gabooye, ayaa lagu qabtay hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa.

1(374).jpg

Siyaasiyiinta iyo taageerayaashan ku soo biiray xisbiga Waddani oo ka soo diga rogtay xisbiga muxaafadka ah ee Kulmiye oo uu hor kacaayey La’ taliyahii madaxweynaha ee beelaha la’hayb sooco oo dhawaan xilkaas iska casilay Haldoor Barkhad Jaamac Xirsi Batuun, waxaana munaasibada ka soo qayb galay guddoomiyaha aqalka golaha wakiilada Somaliland sida oo kalena ah guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Md:Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro), hogaanka xisbiga, xildhibaano, siyaasiyiin, taageerayaasha ku soo biiray, madaxdhaqameed, haween, dhalinyaro iyo marti sharaf kale oo aad u tira badan.

6(222).jpg

Xoghayaha dalxiiska xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Md:Mubaarik Cabdi Xasan(Buuni), oo ugu horeyn halkaasi ka hadlay, ayaa waxaa uu si aada u soo dhaweeyey siyaasiyiinta, madaxdhaqameedka iyo taageerayaasha ka soo jeeda beelaha Gabooye ee maanta ku soo biiray xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, waxaana uu sheegay in xisbiga Waddani yahay xisbiga qudha ee ogal in uu beelaha Gabooye uu siiyo saami la mid ah ka ay beelaha kale ee reer Somaliland ku leeyihiin dalka.

WADANI 65

“Maanta waa maalin wayn, waa maalin sharaf ii ah, waa maalin magac ii ah, waa maalin wayn weeyaan maanta, waxaad ku soo dhawaataan dadkayga beel weynta gabooyoow xisbiga sinaanta iyo cadaalada aan lahayn qabyaalad aan lahayn kala sarayn, aan lahayn riix riix oo aad arkaysaan iyada oo aanu xil qabanin in uu ii sii magacaabay xoghayaha dalxiiska xisbiga Waddani, maxaad u malaynaysaan haddii uu qabsado dalka, kaligaybaa joogay, sahan ayaan idiin ahaa, sahankaygiina waad ku soo guurteen ee Illaahay ayaa mahad iska leh. Waxaan idiin sheegayaa iniga oo kaliya ayaa meesha joogay, kaligay ayaa joogay haday noqoto Waddani, Illaahay ayaa mahad leh haddii tolkay yimi maanta, ta kale waxaan idiin sheegayaa sidaas uu xisbiga Waddani aniga wax iigu ogalaaday ayaa uu maanta wax inoogu ogal yahay.”.Ayuu yidhi Md:Mubaarik Cabdi Xasan.

12(119).jpg

Haldoor-Barkhad Jaamac Xirsi Batuun, oo isna sida oo kale halkaasi ka hadlay, ayaa dhayda ka cadeeyey in uu aad ugu faraxsan yahay in isaga oo ay hareero socdaan madaxdhaqameedka iyo dhamaanba dadka Gabooye ee dega min bari illaa galbeed u si toos ah ugu soo biiro xisbiga mucaaradka ah ee Waddani.

“Waxaan si qadarin iyo wanaag ah aan idiin la wadaagayaa shucuubtiina dhabta ah, ee aad ku muujinaysaan, rabitaankiina idin ka go’an ee aad ku raad sanaysaan xuquuqdiina aad xaqa u leedihiin haddii aad ka mid tahiin bulsho ka mid ah bulshooyinka dega goobaha Somaliland, maanta sharaf ayey ii tahay aniga oo aan shakhsi ahayn, aniga oo aan qof ahayn, aniga oo aan qoys ahayn, aniga oo qabiil aan ahayn, oo qaranka Somaliland ka tirsan oo ay beelaha Lixda gobal degaa ila socoto oo madaxdhaqameedkaygii ila socdo, in aanu muruqayaga, maskaxdayada, maalkayaga iyo miisaankayagaba aanu ku midayno Xisbiga Waddani.”.Ayuu yidhi Barkhad Jaamac Xirsi Batuun.

8(167).jpg

Suldaanka guud ee salaadiina beelaha Gabooye Suldaan Daakir, madaxdhaqameed kale iyo aqoonyahan ka soo jeeda beelaha Gabooye, oo iyaguna halkaasi ka hadlay, ayaa waxaa ay aad ugu dheeraadeen sida ay ugu faraxsan yihiin ay maanta ku soo biiraan xisbiga Waddani, oo ay ku tilmaameen in uu yahay xisbi qaran oo la wada leeyahay, waxaana ay sida oo kale hoosta ka xariiqeen sida ay uga go’an tahay in kaalintooda ka qaataan dardar galinta hawlaha xisbiga Waddani.

Boqorka guud ee beelaha Gabooye Baqor Axmed Iimaan, isna halkaasi hadalo kooban ka soo jeediyey ayaa waxaa uu yidhi:” Muddo Kontan sanadood ah waxii aynu ka soo dagaalamaynay ayaa xukuumada maanta jirta ee uu gadhwadeenka ka yahay Md:Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo), waxaa uu doonay in uu waxii aynu Kontankii Sanadood aynu ku soo tabcaynay uu maalin qudha burburiyo, ayuu yidhi waxaan u magacaabaya magacii la inagu takooray ee waa Midgaan waa sidan, waxaa aynu garanay in aynu magacan meesha ka saarno umaddana ugu dhaarano magacu waxa uu noqday magac lagu munaafacaad sado oo ay dadka qaaradaha joogaan ay isu dhiibaan, markuu arkay Siilaanyo in magacii uu baa ba’aayo ayuu inoo sameeyey magac danbe hayb sooc ah oo uu leeyahay beelaha la hayb sooco isaga oo inaga saaraya Somaliland, waa in aynu taas ka dagaalana oo aynu meesha la inagu hayb soocayo aynu cod ku badalno oo keena dibada jooga iyo keena gudaha joogaba waa in aynu xukuumada Siilaanyo far kula dagaalana, hayb sooc danbe ma doonayno.”.

Ugu danbayntiina waxaa halkaasi soo afmeeray guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Md:Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(Ciro), waxaana uu sheegay in uu aad u soo dhawaynaayo dhamaanba siyaasiyiinta, aqoonyahanka, madaxdhaqameedka, haweenka iyo dhalinyarada beelaha Gabooye ee ku soo biira xisbiga Waddani, isaga oo sida oo kalena sheegay in wasiirada la soo magacaabi doono xukuumada Waddani marka ay dalka qabsato ay ugu horeyn doono wasiir ka soo jeeda beelaha Gabooye.

“Waxaa farxad weyn ii ah in aan halkan ku soo dhaweeye dhamaan beelaha Gabooye ee ay hogaaminayaan Salaadiinta, Boqorada, Cuqaasha, Aqoonyahanka,Siyaasiyiinta, Dhalinyarada iyo haweenkaba, waxaan leenahay walaalayaal ku so dhawaada, waxaan leenahay ku soo dhawaada xisbiga Waddani, xisbi la kala leeyahay maaha, xisbi beelo u kala yaala maaha, waa xisbi aynu wada leenahay, waxaad ka mid ahaydeen dadkii aas aasay xisbigan. Siyaasada xisbiga Waddani, waxaa tiir dhexaad u ah in la helo, bulsho siman oo aan kala sarayn, waxaa saldhig u ah, la dagaalanka hayb sooca iyo takoorka, beelaha gabooye waa beelo fac-weyn oo ka jirta geyiga dhamaanba ay Soomaalidu degto, dalka Itoobiya iyo dalalka aynu jaarka nahay odeyaasha, dhalinyarada, haweenka, siyaasiyiinta,aqoonyahankii halkan taagna reer Hargeysa maaha, waxaa ay ka kala yimaadeen dhamaanba degmooyinka iyo gobalada Jamhuuriyada Somaliland, waxaanu ugu baaqaynaa beesha in ay xoojiso midnimada dhexdooda, korna u qaadaan wax wada qabsiga dhexdooda, xisbiga Waddani waxaa uu diyaar u yahay in uu siiyo fursad kasta oo ay xaq u leeyihiin beelahani. Xisbiga Waddani waxaa uu rumaysan yahay kagana dhabaynayaa Insha Allaahu in ay beeshani xaq u leedahay in ay wakiilo ku yeelato golaha xukuumada, Insha Allaah dawlada Waddani Wasiirka ugu horeeya dhankiina ayuu ka soo jeesan doona.”Ayuu yidhi Md:Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro).

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here