Xisbiga Waddani oo Hargeysa Si Ballaadhan Ugu Soo Dhaweeyey Guddoomiyaha Waddani ee Gobalka Minnesota ee Dalka Mareykanka. + SAWIRRO

0
927

Hargeysa, (HargeisaPress) — Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, ayaa maanta si ballaadhan magaalada Hargeysa ugu soo dhaweeyey guddoomiyaha xisbiga Waddani ee gobalka Minnesota ee dalka Mareykanka Mudane Cabdiraxmaan  Aadan Daahir oo ka soo degay Madaarka Hargeysa.

wadani har 2

Waxaana soo dhaweyntii guddoomiyaha ka qeyb-qaatay guddoomiye ku xigeenka xisbiga Waddani Md.Axmed Muumin Seed, xoghayaha guud ee xisbiga Md.Maxamed Cabdillaahi Uurcadde, guddoomiye xigeenka shannaad ee xisbiga Marwo. Milgo, xoghayaha warfaafinta Mujaahid Boobe Yuusuf Ducaale, Xoghayaha arrimaha dibadda Dr.Maxamed Cismaan Fadal, Marwo.Faadumo Sicid, guddoomiyaha Uk Mujaahid..Xuseen Aadan Cadde, qaar ka mid ah hoggaanka, guddida fulinta, garabbada haweenka iyo dhallinyarta, qurba-joog iyo taageerayal kale oo aad u tira badan.

wadani har 5

Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee xisbiga Waddani Mudane Axmed Muumin Seed oo ka dib soo dhaweyntaas qolka nasashada kula hadlaayey qaar ka mid ah warbaahinta, ayaa sheegayin ay si aada u soo dhaweynayaan mas’uulkan, waxaana uu sida oo carabka ku dhuftay in uu yahay mas’uul ku qaaliya xisbiga Waddani oo kaalin firfircoon kaga jira hawlaha xisbigaas, isaga oo tilmaamayna in ay aad ugu faraxsan yihiin in ay maanta si ballaadhan ugu qaabilaan uguna soo dhaweeyaan magaalada Hargeysa.

wadani har 4

“Aad iyo aad ayaanu ugu faraxsanahay ka xisbi ahaan in aanu maanta si ballaadhan ugu soo dhaweyno Cabdiraxmaan magaalada Hargeysa, runtiina in uu nagu qaali yahay oo uu door firfircoon kaga jiro hawlaha xisbiga, waxaa ku tusinaysa in maanta dhammaanba xisbigii Waddani mas’uuliyintiisii oo dhami ay u timi si ay uga qeyb-galaan soo dhaweytiisa marka laga reebo guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro oo hawlo ku yimi darteed innoo soo haleeli waayey in uu innagala soo qey-galo soo dhaweyta. Cabdiraxmaan, waxaanu ku leenahay ku soo dhawoow dalkaagii hooyo, waana aan ku faraxsanahay imaatinkaaga aad noo timi.”.Ayuu yidhi Axmed Muumin Seed.

wadani har 7

Xoghayaha arrimaha dibadda Dr.Maxamed Cismaan Fadal, Marwo. Faadumo Siciid iyo Safiirka Wareega ee xisbiga Waddani Marwo.Suhuur oo iyaguna halkaas ka hadlay, ayaa dhammaantoodba, waxaa ay ku dheeraadeen sida ay ugu faraxsan yihiin imaatinka Cabdiraxmaan, waxaana ay sheegeen in ay ku soo dhaweynayaan dalka, iyaga oo dhanka kalena tilmaamay in uu yahay mas’uul aad ugu qaali ah xisbiga Waddani.

wadani har 6

Guddoomiyaha xisbiga Waddani ee gobalka Minnesota ee dalka Mareykanka Mudane Cabdiraxmaan Aadan Daahir oo isna ugu danebyntii halkaas ka hadlay, ayaa ugu horeyn aad ugu mahad-celiyey dhammaanba madaxda iyo taageerayaasha xisbiga Waddani siddii ballaadhnayd ee ay ugu soo dhaweeyeen dalka, waxaana uu sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay sida qiimaha badan ee ay ugu qaabileen Madaarka Hargeysa, isaga oo dhanka kalena ka hadlay hawlaha xisbiga Waddani ee Minnesota iyo guud ahaanba waqooyiga Ameerika.

wadani har 3

“Farxadweyn, ayaa ay ii tahay sida qiimaha badan ee aad ii soo dhaweyseen, iiguna qaabisheen garoonka diyaaradaha ee Hargeya, idinka oo isku dhan madaxdii iyo dhammaanba taageerayaashii xisbiga Waddani, aad iyo aad ayaad u mahadsan tihiin. Runtiina anigu waxaan ka imika Minnesota, waxaana aan fariin salaam ah idiin ka sidaa dhammaanba reer Mareykan iyo Kanada oo dhan. Annagu ka xisbi ahaan hawlo badan ayaanu qabanay intii aanu wadnay hawlaha xisbiga, waxaana aan odhan karaa, maanta runtii xisbiga Waddani guul weyn ayaa uu ka gaadhay ahaanba gobalka Mennisota iyo guud ahaanba dalka Mareykanka, maalin walbana waxaanu soo dhaweynaa taageerayaal aad u tira badan oo ka soo diga roganaaya xisbiga Kulmiye.”.Ayuu yidhi guddoomiye Cabdiraxmaan Aadan Daahir.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here