Madaxweyne Xigeenka Somaliland Oo Ka Jawaabay Eedo Xukumadda Loogu Jeediyay Xafladdii Qurbe Jooga

0
764
Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland

Hargeysa, (HargeisaPress) — Madaxweyne xigeenka Somaliland, ayaa sheegay in qurbejoogu mutaysteen munaasibado casho sharaf ah marka ay dalka yimaadaan. Waxa uu ka jawaabayay eedayn balaadhan oo xukumadda loo jeediyay taasoo ka dhalatay munaasibad tamashlayn iyo casho iskugu jirtay oo xukumaddu u samaysay qurbejoogta xilli abaaro ba’an iyo biyo la’aani dalka iyo caasimadda ka jirto.

Munaasibad inka badan 4 Kun oo Qurbejoog ah lagu casuumay ayaa bulshada dalka iyo kuwa dibada qaarkood ku macneeyeen mid dakhliga ku baxay ku habboonaa in dadka abaaraysan wax loogu qabto, iyo inay xukumaddu sharfayso qurbejoogta taasina ay tahay sabab dadka dalka jooga ku dhiiri galisa tahriibka.

“Waxaa jirtay Qurbejooga Somaliland oo habeen casho sharaf loo sameeyay in aad loo hadal hayay amma la leeyahay dad baa la casuumayaa umaddiina abaaro iyo gaajo ayaa haysa, haddaanu nahay madaxda qaranka ka qurbejooga ahna anaga uun baa ka masuul ah oo maanta Illaahay xilka noogu dhiibay, ka waddanka joogana anaga ayaa ka masuul ah, qurbe jooga in maalin xaflad loo sameeyana way mutaysteen oo waa laf dhabarta Somaliland,” ayuu yidhi Mudane Saylici.

 

Madaxweyne xigeenku waxa uu ku sababeeyay munaasibaddan in looga dan lahaa in qurbejoogta dalka timid ee xaaladdiisa aragtay wax taraan dadka abaaruhu saameeyeen “Qurbe jooga maanta yimid, waa kuwa arkay dhibaatada dalka ka jirta, ee abaaraha arkay, ee barrito wax ka soo tari doona, cashada yare e la siiyayna in la eego maaha”

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here