Xirsi oo Sharci Jebin Ku Eedeeyay Madaxweyne Biixi

0
1010

Hargeysa (Hargeisa Press) – Guddoomiyaha xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa cambaareeyay xadhiga salaadiin xukuumadda Madaxweyne Biixi dhawaan xidhay iyo dadkii lagu xidh-xidhay mudaharaadkii 11-kii bishii August ka dhacay magaalada Hargeysa.

Xirsi, ayaa xidhiga salaadiinta ku tilmaamay mid baal marsan sharciga, dhaqanka iyo diinta, isla markaana waxa uu sheegay in qabashadooda aan loo marin nidaam sharci, isaga oo sheegay in ay ka xisbi ahaan cambaaraynayaan xadhigooda.

“Madax dhaqameedka la xidh xidhay ee folaad koodii la qab qabtay, sida runtii sharciga ka baxsan ee milgaha dhaqanka ka baxsan loo qab qabtay, iyada oo aan loo marin diriiqii sharciga ahaa, oo waaran loo goosan la xidhay, ee xad gudubka ku ah, dhaqankeena, sharcigeena iyo diinteena, aad iyo aad ayaanu u cambaaraynaynaa,” ayuu yidhi Guddoomiye Xirsi.

Guddoomiye Xirsi, ayaa xadhiga salaadiinta iyo dadkii lagu xidhi xidhay banaanbixii 11 August ku tilmaamay ayaan daro, isaga oo sheegay in madaxweynuhu isaga oo sharciga jabinaya uu leeyahay sharciga ayaan ilaalinayaa “Taa ay tahay ee sidaa loo socdo ayuu hadana madaxweynuhu wuxu ina leeyahay sharcigii ayaan ilaalinayaa”.

Salaadiin uu ka mid yahay Suldaan Axmed Cismaan Cadde-gudde, ayaa dhawaan xukuumadda Somaliland xabsiga dhigtay, salaadiintan ayaa shacabka ugu baaqay in ay isu soo baxaan, oo ay dalbadaan doorasho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here