Taliye Taani oo Abaalmariyey Orodyahannada Kooxda Gaashaan oo Toban Koob Hantiyay

0
4932

Hargeysa (HargeisaPress)– Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland Sareeye Gaas Nuux Ismaciil Taani, ayaa abaalmariyey kuna qaabilay Miiska Sarakiisha Oradyahano ka tirsan kooxda Gaashaan oo ku guulaystay Tartanka Oradada lagu soo gebagebeeyey magaalada Hargeysa .

Tartanka Orodka oo loo qabto Ciidamada Qaranka sannad walba, ayaa Oradyahanada Kooxda Gaashaan ee Ciidanka Qaranka, ayaa ku guulaystay 10 koob oo ka mid ahaa 12kii Koob ee lagu tartamay.

Tartanka loo dhigay orodada ee Ciidamada Somaliland oo muddo bil ah socday isla markaana loo tartamayey 12 koob ayey orodyahanada Kooxda Gaashaan ee Ciidanka Qaranku ku guulaysteen 10 koob ee tartanka.

Kaalmaha orodyahanadii Kooxda Gaashaan ee Ciidanka Qaranka ku guulaysteen waxa ka mid ah:-

Orodka 1500 M, waxa kaalinta koowaad ku guulaystay Maxamuud Xuseen Axmed.

Orodka 800 M waxa ku guulaystat Cabdillaahi Cabdi Siciid

Orodka 400 M waxa ku guulaystay Diiriye Yuusuf Maxamed

10 KM waxa ku guulaystay Mustafe Cabdiqaadir Muxumed,

5 KM waxa ku guulaystay Maxamuud Xuseen Axmed

3 KM waxa hantiyey Fuad Siciid Cali & laba koob oo kale.

Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland Sarreeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani oo hadal ka jeediyey munaasibada, ayaa bogaadiyey orodyahanadii kaalmaha koowaad ka galay tartanka orordadda Ciidamada Somaliland oo sannadkii labaad si xidhiidh ah loo qabtay.

Taliye Nuux, ayaa sheegay in hogaanka Orordada Ciidanka Qaranka & oroyahanada kaalmaha koowaad ku guulaystay amaan mudan yihiin, waajibkoodiina ka soo baxeen, sida Ciidanka jiida hore jooga uga soo baxeen.

Taliyaha Ciidanka Qaranka Sareeye Gaas Nuux Taani, ayaa abaalmarino dhiirigelin ah gudoonsiiyey oorodyahanadii kaalmaha koowaad ku guulaystay.

HargeisaPress News Desk— Hargeysa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here