Xildhibaano ka tirsan golaha Wakiillada Somaliland oo la baafinayo

0
1854

Hargeysa (Hargeisa Press)- Guddoonka aqalka golaha Wakiillada Somaliland, ayaa waxaa ay maanta baafiyeen tiro Xildhibaano ah oo ka tirsan golaha oo aan soo xaadirin fadhigii golaha.

Xildhibaanadan la baafinayo, ayuu guddoonka aqalka golaha Wakiilladu, tiradooda ku sheegay in ay ka kooban yihiin 29 mudane.

Guddoonka golaha Wakiillada, ayaa sheegay in Xildhibaanadani ay soo xaadiri waayeen kal-fadhigii 9aad ee fadhigiisii 1aad ee golaha, iyagoo aan wax fasax ku maqnayn.

Waxaa sidan lagu sheegay, war-saxaafadeed maanta ka soo baxay aqalka golaha Wakiillada Somaliland, kaasi oo uu ku saxeexan yahay Xogyahayaha guud ee golaha Wakiillada Cabdirbisaaq Siciid Ayaanle.

Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here