Hargeysa (Hargeisa Press)- Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in heshiiska ciidan ee Masar iyo Soomaaliya uu qalalaase galin doono Soomaaliya.
Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in heshiiskaasi uu Soomaaliya ka dhigi doono sida Suudaan oo kale, isaga oo sheegay in Soomaaliya aanay Xasan Sheekh ka danbayn doonin.
”Dowladda beenta ah ee Xamar, Xasan Sheekh ka danbayn mayso, halkii u danbaysayna wuu ku dhuftayo heshiiska Masar wuxuu ka dhigayaa Soomaaliya Suudaantii labaad” ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.
Dhinaca kale, waxa uu sheegay in dhawaan la arki doono xoogag kala taabacsan Masar iyo Itoobiya oo ku dagaalamaya guddaha Soomaaliya.
Waxaana uu sheegay in go’aanka uu heshiiska ku galay Xasan Sheekh uu muujinayo hoggaan xumo.
Mar uu ka hadlayay heshiiska is-afgaradka ah ee ay Somaliland iyo Itoobiya kala saxeexdeen, ayuu sheegay in la saxeexayo heshiiska, isla-markaana ay iskaashi millateri wada yeelanayaan Somaliland iyo Itoobiya.
”6 waddan ayuu la galay heshiis millateri caqli xumadiisa, Somaliland, waa la saxeexayaa heshiiska Itoobiya, iskaashi millateri ayaynu yeelanaynaa Itoobiya, dhaqaalaha waanu isku furaynaa, cid hor joogsanaysaana ma jirto” ayuu yidhi Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe.