Xildhibaannada Mucaaradka oo Eedaymo Kulul U Jeediyay Xukuumadda

0
1006

Hargeysa (Hargeisa Press) – Xildhibaannada xisbiyada mucaaradka Somaliland ee ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa waxaa ay eedaymo kulul ay u jeediyeen Xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Xildhibaannadan mucaaradka oo maanta warbaahinta la hadley, ayaa sidoo kale wax laga xumaado ku tilmaamay habkii ciidamada boolisku ula dhaqmeen mudaharaayaasha mucaaradka bannaanbixii maalintii Khamiista ka dhacay dalka.

Xildhibaan Maxamed Abiib, ayaa sheegay in madaxweynaha Somaliland qaldanyahay, isla markaana loo baahanyahay in la saxo, isagoona xukuumada ku eedeeyay in ay sharcigii baal martay.

Xildhibaan Maxamed Abiib, ayaa sidoo kale waxaa uu sheegay in qawaniintii Somaliland ay xukuumadu ka gudubtay, isla markaana ay mudaharaadayaasha gacan kulul kala hortagtay, waxa uu intaa ku daray in dhamaan dadka dhintay ay ku dhinteen dhulkii loo asteeyay in uu mudaharaadku ka dhaco.

Xildhibaan Mustafe Khayreeye oo isna goobta ka hadlay, ayaa sheegay in booliisku aanay mar-marsiiyo ka dhigan karin dhagax ayaa laygu soo tuuray.

Waxaa ay xildhibaannadu sheegeen in ay dib iskugu noqon doonaan, oo ay xaalada wax ka qaban doonaan, waxayna madaxweynaha u soo jeediyeen in uu xaalada dajiyo madaama oo uu yahay odaygii umada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here