Madaxweynaha Somaliland oo Qaabiley Dublomaasiyiin iyo Saraakiil Milateri oo Mareykan Ah

0
1396

Hargeysa (Hargeisa Press) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta qasriga madaxtooyada ku qaabiley wefdi ballaadhan oo ka socda dalka Mareykanka oo isugu jira diblamaasiyiin, saraakiil ciidan iyo Akaadamiga Heritage Foundation oo safar shaqo maalmihii u danbeeyey ku joogay Somaliland.

Ugu horrayna Madaxweynaha Somaliland waxa uu wefdiga xog-warran guud ka siiyey horumarka uu dalku ku tallaabsaday oo ku yimi iskaashiga shacbiga iyo xukuumadihii kala danbeeyey ee nidaamka dimu-quraadiga ah isugu wareejinayey xukunka dawladnimo.

Waxaa kale oo madaxweynuhu xubnaha wefdiga la wadaagay arrimaha Qaranka Somaliland u suurageliyey in beesha caalamka iyo Afrika inteeda kalena ay ku majeerato, taas oo ah nabadgelyada, horumarka, doorashooyinka xorta iyo xalaasha ah, dimuquraaddiyadda iyo wax-wada qabsiga. Isagoo madaxweynuhu uga mahadnaqay xubnaha weftiga booqashada ay ku yimaadeen dalka.

Dhinaca weftiguna waxa ay madaxweynaha Qaranka iyo shacbiga Somaliland uga mahadnaqeen sida qiimaha leh ee ay ugu soo dhaweeyeen dalka una qaabileen, iyagoo xusay inay goobo badan booqdeen intii ay dalka ku sugnaayeen wakhtiyo kala duwanna ay qaar ka midi  dalka yimaadeen balse wakhtigaasi ahaa markii dalku ka soo kabanayey burburkii dagaallada, maantase la joogo wakhti horumar badani ka muuqdo dalka, iyaguna ay xog-ogaal u ahaayeen isbeddellada iyo horumarka ay Somaliland ku tallaabsatay muddadaas.

Waxaanay ku bogaadiyeen dawladda iyo shacbigaba Somaliland horumarka ay ka gaadheen nabadgelyada, dimuquraaddiyadda iyo maamul-wanaagga, waxaanay muujiyeen inuu dalku yahay mid nabdoon oo wax-la-la qabsankaro. iyagoo madaxweynaha la wadaagay in indhaha caalamku u soo jeedaan horumarka ka socda Somaliland, in badan oo ah nasteexa Somaliland ahina ku diirsadaan horumarka iyo isku tiirsanaanta iyo wada-shaqaynta shacabka iyo Dowladda, waxaanay soo jeediyeen in halkaa laga sii wado guulahaa sababay in caalamku indhaha la raaco Somaliland.

Waxaana Madaxweynaha kulanka ku wehelinaayey Wasiirrada Wasaaradaha Arrimaha Dibeda iyo iskaashiga Caalamiga ah, Dr Ciise Keyd Maxamuud, Horumarinta Maaliyadda Dr Sacad Cali Shire iyo Safiirka Somaliland u fadhiya Dalka Mareykanka Amb. Bashiir

Dhinaca Wefdigan Mareykanka ah, ayaa waxaa ay ka koobnaayeen

Mr.Tibor Nagy, Kaaliyihii hore Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Mareykanka u qaabilsanaa Afrika

Ambassador J.Peter Pham, Ergaygii hore ee Mareykanka u qaabilsanaa qaybo ka mida Galbeedka Afrika gaar ahaan gobolka Sahel.

Taliyihii hore ee Ciidamada Mareykanka ee Afrika (Africom) General William “Kip” Ward Mr Joshua Meservey, oo ka socda Heritage Foundation Kuna takhasusay siyaasadda Afrika iyo Bariga Dhexe.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here