Maamulka Gabiley oo Shaaciyay Xaalad Abaareed oo Ka Taagan Degaamadda Gobolka

0
472

Gabiley (Hargeisa Press)- Maamulka gobolka Gabiley iyo ka degmadda Gabiley, ayaa shaaciyay baaq qaylo-dhaan abaareed ah oo ka taagan degaamadda gobolkaasi.

Badhasaabka Gabiley C/qani Maxamuud Jiidhe, iyo maayarka degmadda Gabiley Maxamed Cumar Cabdi, oo maanta warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in xaalad abaareed oo aad u daran ay ka taagan tahay degaamadda hoos yimaadda gobolka Gabiley.

Waxaanay iclaamiyeen masuuliyiintaasi in maalinta Isniinta ee todobaadkan magaaladda Gabiley iyo magaalooyinka kaleba laga tukado salaad Roob-doon ah.

Daawo: Qaylo dhaanta maamulka Gabiley ee abaarta:

LEAVE A REPLY