Xildhibaanada Baarlamaanka USA oo Xukuumadooda ugu Baaqay Inay Kordhiso Xidhiidhka JSL

0
405

Hargeysa (HargeisaPress)- Xildhibaanada Labada Xisbi (Jamhuuriga iyo Dimoqraadiga) ee Maraykanka ayaa ka dalbaday xukuumada Maraykanka inay kordhiyaan iskaashiga u dhexeeya Xukuumadda Somaliland.

Xildhibaan Michael McCaul oo ka mid ah Guddiga Arrimaha Dibadda ee Baarlamaanka ee Afrika, Caafimaadka Adduunka, iyo Xildhibaan Chris Smith oo ka mid ah Guddi-hoosaadka Xuquuqda Aadanaha Caalamiga ah iyo xubno kale oo labada xisbi ee Baarlamaanka ayaa warqad u diray Xoghayaha Arrimaha Dibedda Maraykanka Mr Blinken kiaas oo ay ugu baaqeen in la kordhiyo iskaashiga Somaliland.

Warqad ay ku saxeexnaayeen xildhibaan Michael McCaul, Xildhibaan Chris Smith, Xildhibaan Brian Fitzpatrick, Xildhibaan Brian Fitzpatrick, Xildhibaan Peter Meijer, Xildhibaan Guy Reschenthaler, xildhibaan Kay Granger, Xildhibaan Young Kim, iyo Xildhibaan Steve Chabot ayaa u dhignayd sidan:-

“Waxaan ku boorinaynaa Maamulka Biden inay ka fikeraan kordhinta iyo sii wadida xidhiidhka qotoda dheer ee ay la leeyihiin Somaliland arrimaha ku saabsan danaha diblomaasiyadeed, dhaqaalaha iyo amniga,” ayay yidhaahdeen xildhibaanadu. Waxaanay intaasi raaciyeen “Goobta istaraatiijiyadeed ee Somaliland ee Gacanka Cadmeed, taageerada joogtada ah ee dimuqraadiyadda, iskaashiga ka hortagga argagixisada, budhcad-badeedda, iyo khataraha kale ee amniga ee gobolka, xidhiidhka Taiwan, iyo awoodaha dhaqaale ee sii kordhaya waa in Maraykanku sahaminayo fursado dheeraad ah oo uu kula shuraakoobayo Somaliland.”

“Somaliland waxa ay u shaqaynaysay si madaxbanaan muddo soddon sannadood ah, waxa ay ilaashataa amnigeeda, nidaamkeeda maaliyadeed, iyo xidhiidhkeeda ganacsi. Dhowr waddan oo gobolka ah, oo ay ku jiraan Jabuuti, Itoobiya, iyo Kenya, ayaa xidhiidh diblomaasiyadeed iyo ganacsi la leh Somaliland, inkasta oo aanay si rasmi ah u aqoonsan madax-bannaanideeda. Iskaashiga istiraatijiyadeed ee Somaliland waxay miisaan culus u leedahay hakinta maalgashiga sii kordhaya ee Shiinuhu ku samaynayo Geeska Afrika,” ayaa lagu yidhi qoraalka.

Qoraalka xildhibaanada ayaa lagu soo gebagebeeyey; “Anagoo maanka ku hayna arrimahan siyaasadeed, dhaqaale iyo amni, waxaanu maamulka u soo jeedinaynaa inay kordhiyaan xidhiidhka dublamaasiyadeed ee ay la leeyihiin masuuliyiinta Somaliland, socdaalada madaxda sare, isla markaana ay tixgeliyaan joogitaan rasmi ah oo Hargeysa ku yeeshaan. Kordhinta iskaashiga ay la leedahay Somaliland waa in ay noqotaa mudnaanta koowaad oo ay ka wada faa’iidaysan doonaan danaha Maraykanka iyo Somaliland. Waxaan kaaga mahadcelineynaa sida aad u deristo arrintan muhiimka ah.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here