Masaajidka Al Isxsaan (Gadhcase) ee Xaafadda Boqol jire oo Dib loo Furay + SAWIRRO

0
321

Hargeysa (HargeisaPress)–Magaalada Hargeysa ayaa lagu   Munaasibad Balaadhan oo dib loogu furayay Masaajidka Al Isxsaan (Gadhcase) ee Xaafadda Boqol jire.

Munaasibadii dib u furista Masaajidka Gadhcase ee xaafada Boqoljire waxa ka soo   qayb galay wasiirka wasaaradda diinta iyo awqaafta, qaar ka mida culimada waa weyn ee dalka, guddida gacanta ku haysay dhismaha Masaajidkani, masuuliyiin ka socday shirkadii dhistay masaajidka, iyo qaar ka mida bulshada xaafada Boqol-jire.

Sheekh Axmed Iid oo gacanta ku haya maamulka masaajidkan ayaa sheegay dib u dhis ay ku sameeyeen masaajidkan, waxaa uu xusay in dhismaha masaajidkan lagu farayaraystay, ALLE ayuu uga mahadceliyay in uu usuurageliyay dhameystirka Masaajidkan, sidoo kale waxa uu u mahadceliyay cidkasta oo gacan ka gasatay hirgelinta iyo dhismaha masaajidkan.

Waxaanu yidhi.“ILLAAHEY ayaa inoo suuragaliyay in maanta aynu goobjoog unoqono dib u furistiisa isaga oo ka quruxbadan oo ka balaadhan sidii markii hore loo dhisay, ILLAAHEY ayaynu ugu mahadnaqaynaa, waxaan u mahadnaqaya cidkasta oo gacan ka gaysatay dhismaha masaajidkan iyo hirgelintiisa”.

“Masjid Jaamaca xaafada Boqoljire ayuu ahaa, waxa uu ahaa 16 Mitir iyo 17 mitir, koona kasta dibada ayaa lagaga tukan jiray markuu buuxsamo, maanta waxa laga dhigay masaajidka quruxda badan”Ayuu yidhi sheikh Gadhcase.

Wasiirka wasaaradda diinta iyo awqaafta Somaliland Sheekh Cabdirisaaq Xuseen Albaani ayaa sheegay in masaajidkani ay baahi weyn bulshada xaafada Boqol-jire u qabeen, sidoo kale waxa uu xadhiga ka jaray Maktabad weyn oo uu yeelan doono masaajidkaasi, kuna taala isla masaajidkaasi.

Waxaanu yidhi.“Masjidkan baahi weyn ayay xaafadu uqabtaa, hirgelintiisana dad badan ayaa iska kaashaday, waana wax fiican in dadku xagga khayrka isu kaashadaan,”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here