Xildhibaan Nadiir Yuusuf Aadan oo Ka Tirsanaa Baarlamaanka Dowlad Deegaanka Soomaalida oo Xabsiga La Dhigay

0
2261

Jigjiga (Hargeisa Press)- Wararka naga soo gaadhaya magaalada Jigjiga ayaa sheegaya in xabsiga loo taxaabey Xildhibaan Nadiir Yuusuf Aadan oo ka tirsanaa Baarlamaanka dowlad deegaanka Soomaalida.

Xildhibaanka ayaa waxaa uu ka mid ahaa xildhibaano dhowaan laga qaaday xasaannada xildhibaanimo.

Sidoo kale, waxaa ay wararka aanu helayno sheegayaan in ay jiraan rag kale oo iyaguna xildhibaano ahaa oo xabsiga lagu guray.

Xildhibaanadan ayaa baarlamaanka dhexdiisa ka dhex abuuray buuq islamarkaana isku dayay inay carqaladeeyaan fadhiga golaha kadib markii gudoonku ka diiday ajande ay wateen, iyadoona laga qaaday xasaanadii xildhibaanimo.

Maamulka Madaxweyne Mustafe Maxamuud Cumar  ayaan ilaa hada ka hadal xadhiga xildhibaanadaasi.

Hargeisapress Desk

LEAVE A REPLY