Caalam Islaam Muxuu Yahay, Ma Se Jiraa?. Cabdifataax Xasan Barwaani

0
1109

Weedha ah “Caalam Islaam ama Dunida Muslinka” oo aynu in badan maqalno, had iyo jeeraale, weliba aynu ka maqalno dadka wadaaddada ah. Maxaa loola jeedaa? Intii ay dhalatay dawladnimada casriga ahi, dunidu waa ay ka gudubtay in Diin, Isir, Af, iyo wixii la mid ahba wax lagu dhiso. Dadka intii isku dan ah, isna fahamta, siyaasaddana isku dhinac u jeedda ayaa wax wada dhisata.

Mafhuumka ah dunida Islaamkuna waa mid ay faafiyeen islaamiyiinta iyo baraaruggoodii la bilaabmay Ikhaawanul Muslimiintii 1928-kii. In dunida ay u kala qeybiyaan “Duni Gaalo iyo Duni Muslin” wax ay caalamku ku shaqeeyaan ma aha. Mana jiro xaqiiqo ahaan maanta dawlad u taagan dadka aamisan diinta Muslinka, ama dawlad u taagan dadka aamisan diinta Kiristaanka, iwm.

Dhammaan dawladaha adduunka ka jira kuwooda ugu horreeya, sida Yurub, Maraykan ama kuwooda ugu hooseeya sida Afrika, qeybo Aasiya ah, waxa ku wada nool oo dawladnimadu ay wada meteshaa dad kala diin ah. Cid gaar ah oo diin qudh ah aaminsan, dawladdana iyadu xaq u leh oo bulshada kale ka xigsata ma jirto. Wadaaddada Islaamiyiintu mafhuum laga soo gudbey, ayaa ay rabaan in wax ku halbeegaan, waxna ku dhisaan.

Bulsho dantooda ka dhigaysa in diin wadaagaan, wax shaqeynaya in aysan ahayn cid wal oo taariikh akhriday, dawladnimda casriga ah sida ay u shaqeyso fahamsanna waa ay ogyihiin.
Waxaana ay arrintani “Caalam Islaami” ka dhalatay labadan weedhood ee “Muslim” iyo “Gaal” ama “مسلم” iyo “كافر” oo ah weedhaha badiba bulshooyinka Bariga Dhexe iyo Geeska Afrika ay aad u adeegsadaan, kuwaas oo ku qotoma eray-bixin diimeysan oo laga soo gudbey in qofka looga dhigayo “Aqoonsi – Identity”.

Tiiyoo aanay maanta dunidu aqoonsi diin ku dhisan adeegsan oo laga soo gudbey. Aqoonsiga qofkana ay jaangooyaan goobta juquraafiyadeed ee uu adduunka kaga nool yahay, iyagoo kala diin iyo kala af ama kala isirba ah.
Waana mid ka mid ah horumarka dhanka fikirka iyo ilbaxnimada ah ee dadku ay gaadheen qarniyadii u dambeeyay. In ummad kala diin, kala af, kala dhaqan iyo isirba ahi ay dawlad wadaagaan iyo dal mid ah, qof kastana xuquuqdiisa uu helo oo la wada hoos hadhsado dallaayaddaas sharciyaysan ee loo bixiyay “Muwaaddinnimada – Citizenship”.

Haddaba, waxa la yaab leh in bulshooyinka Muslimiinta ah, kuwooda Bariga Dhexe iyo Geeska Afrikaba ay weli ku sii dheggan yihiin eray-bixintii qarniyadii hore ee muwaaddinnimada ku jaangoynaysay diinta uu qofku aaminsan yahay, sida: Kiristaan, Islaam, Yuhuud, Budhiis, Hinduus iwm. Tusaale ahaan: xilligii dawladihii Carbeed ee Muslimiinta ahaa ay ka talinayeen Bariga Dhexe iyo dhulal badan oo kaleba, waxa muwaaddin ahaa qofka aaminsan diinta Islaamka oo keliya.

Halka dadka diimaha kale rumeysan ee dhulkana u dhashay ay ahaayeen marti laga qixin jirey, ama baad laga qaadi jirey ay dhulka ku joogaan, ugu dambeynna waxa ay ku qasbanaan jireen si ay sharaf u yeeshaan in ay diinta Islaamka qaataan oo uga baxaan liididda iyo martinimada. Diimaha kalena, ciddii dawlado lahayd waxa ay la mid ahaayeen kuwaas, oo muwaaddinnimada waxa qeexaysay diinta uu qofku rumeysan yahay.

Waxa intaas raaca, in weli haddaynu Muslimiinta nahay aynnu ku sii dhegan nahay eray-bixinta kale ee adduunka u qeybisa “Hoy Muslin iyo Hoy Gaal” ama “دار المسلم و دار الكفر”. Taas oo ah in carrada la dhaho tani waa carro gaalo, halkanna waa carro Muslin, middaas oo iyaduna ka soo jeedda dhisidda muwaaddinnimada ee lagu saleynayo diin.

Isla qodobkan ayaa maanta aan adduunka ka jirin, dhul kasta Muslin iyo dad diin kale rumeysanba waa ka buuxaan. Dhammaantoodna waa wada muwaaddiniin xuquuq wada siman leh. Mana jiro maanta dal yidhi aniga dhulkayga Kiristaan ayaa ku noolaanaya, ama Hinduus keliya iwm.

Xilligii diintu ahayd aqoonsiga qofkana waa laga soo gudbey, waxa la marayaa muwaaddinnimo juquraafiyadeed oo ka wanaagsan middii diinta ku saleysnayd. Waana muhiim in Muslimiintuna ay oggolaadaan muwaaddinnimadaas, iyagaana ugu baahi badan maanta in ay ilbaxnimadaas fikir ay ka faa’iidaystaan. Waana waxa xuquuqaha tirada badan siiyay ee u oggolaaday in ay maanta dal kasta ku noolaadaan.

In jahligaas iyo wacyi xumadaas ay weli sii jirtana waxa horseeday fiqhiga Islaamka oo dad waayahoodii noolaa ay qoreen, in maanta weli goob walba lagu laqbeeyo. Halkaasna ay ka dhalatay jahwareer lagu wareersan yahay waxa waaqica ah ee maanta dunida ka jira oo ah muwaaddinnimada aan xayndaabka lahayn iyo wixii wadaadku uu bulshada u laqbeeyay ee ahaa muwaaddinnimo diin ku dhisan!

© Cabdifataax Xasan Maxamed “Barawaani”
Email: barawaani@yahoo.com
May 23, 2020

LEAVE A REPLY