Xildhibaan Ka-Tirsan Guurtida oo Ka Hadlay Damaca Ethiopia Ee Dekadda Saylac

0
891

Hargeysa (Hargeisa Press)- Xildhibaan Ibraahim Sheekh Maxamuud Xirsi, oo ka tirsan golaha guurtida Somaliland ayaa ka hadlay damaca Ethiopia ee dekadda Saylac.

Gaar ahaana hadalkii ka soo yeedhay Raysal wasaaraha Itoobiya ee ku aadanaa dekadda Saylac.

Waxaanu sheegay xildhibaanku in aanay jirin deked Somaliland u haysa Itoobiya, balse dekedda Itoobiya ay tahay ta Eriteriya.

Geesta kale xildhibaanku waxa uu bulshada ku nool magaalada Hargeysa, ka waaniyay taageerada ay u muujinayaan Raysal wasaaraha Itoobiya ee ku saabsan doonista dekedda Saylac.

Xildhibaan Ibraahin, waxa uu xildhibaan Maxamed Abiib, ku wargeliyay in go’aan ka gaadhista dekedda Saylac ay leedahay xukuumadda Somaliland iyo dadka degaanku, waxaan uga digey in uu ka hadalkeeda ka waantoobo.

Xildhibaan Ibraahim waxa uu xukuumadda Somaliland ka codsaday in aanay ku deg degin doonista Raysal wasaaraha Itoobiya ee dekedda Saylac.

Waxaanu yidhi“Raysal wasaare Abiye waxa uu sheegay in dadkiisu sannadka 2030-ka ay noqonayaan 130 Milyen, balse inay bila bad noqdaana ma dhici karto ayuu yidhi, waxaan leeyahay Raysal wasaare Itoobiya badda Eriteriya ayay leedahay, hadday xumaan ku doonayso iyo hadday xoog ku doonaysaba, wax Somaliland ah oo bad ku leedahayna majirto, taasina xukuumadda iyo dadka degaanka ayay u taala”.

Geesta kale xildhibaanku waxa uu bulshada ku nool magaalada Hargeysa, ka waaniyay taageerada ay u muujinayaan Raysal wasaaraha Itoobiya ee ku saabsan doonista dekedda Saylac.

Waxaanu yidhi “Bulshada badan oo degan magaalada Hargeysa ayaa hor yaacaya arrinta Abiyi, waxaan leeyahay Raysal wasaaraha waad lunsan tahay ee badaadii ayaad garan laadahay ee badaadii Eriteriya ayay ku taala”.

Xildhibaan Ibraahin, waxa uu xildhibaan Maxamed Abiib, ku wargeliyay in go’aan ka gaadhista dekedda Saylac ay leedahay xukuumadda Somaliland iyo dadka degaanku, waxaan uga digey in uu ka hadalkeeda ka waantoobo.

“Xildhibaan Maxamed Abiib waxaan leeyahay aqal aanad lahayn miyaad kireyn, mise cidbaad siin, waa may soowmaaha sidaasi uunbaan u arka, degaankii laga soo doortay ee Ruqi iyo Saylac ayaad kala garan laadahay ayaan isleeyahay” ayuu yidhi xildhibaanku.

Dhinaca kale xildhibaan Ibraahim waxa uu xukuumadda Somaliland ka codsaday in aanay ku deg degin doonista Raysal wasaaraha Itoobiya ee dekedda Saylac.

Waxaanu yidhi “Dowladda Somaliland waxaan leeyahay yaan lagu deg degin arrinta Raysal wasaaraha Itoobiya ee damaciisa Dekadda Saylac, Somaliland laydh iyo biyo toona ugama baahna Itoobiya”.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here