Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland oo Socdaal Ku Tegay Magaalada Boorama

0
1217

Boorama (Hargeisa Press)- Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa kormeer shaqo ku tagay magaalada Borama ee xarunta gobolka Awdal.

Waftiga madaxweyne ku xigeenka waxa ka mid ahaa wasiirka wasaaradda ganacsiga iyo dalxiisa Maxamuud Xasan Sacad (Saajin), wasiir ku xigeeno, agaasimayaal iyo xildhibaano.

Madaxweyne ku xigeenka iyo waftigiisi waxa soo dhaweeyay guddoomiyaha gobolka Awdal Daahir Xadi, waxaanu sheegay in ujeedada socdaalkiisu salka ku hayso u kuurgalida nabadgelyada iyo horumarka gobolka Awdal.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maamulka gobolka Awdal uga mahadceliyay sida fiican ee ay u soo dhaweeyeen, ayaa sheegay in hawlo qaran oo mihiima ay u socdaan isaga iyo waftigiisu.

Sidoo kale madaxweyne ku xigeenku waxa uu sheegay inay kulamo la qaadan doonaan qaybaha kala duwan ee bulsahda gobolka Awdal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here