Wasaaradda Deegaanka oo Qabatay Harimacad Si Qarsoodiya Loo Dhoofinayay

0
460

Hargeysa (Hargeisa Press)- Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Somaliland oo kaashanysa
Ciidanka Booliska Somaliland ayaa gacanta ku soo dhigay Harimacadyo la dhoofinayay.

Sidoo kale waxaa la soo qabtay 6 qof o9 eedaysaneyaal ah oo ka ganacsanaayay laba Harimacada doonayayana in aydalka ka dhoofiyaan, iyo gaadhigii ay wateen.

Ciidanka saldhiga degmada Axmed Dhagax, ee caasimadda Hargaysa, ayaa gacanta ku soo dhigay 6 eedaysane, laba Harimacad oo ay ka ganacsanayeen oo ay doonayeen inay dalka ka dhoofiyaan iyo gaadhigii lagu siday.

Haramicadyadan oo ahaa kuwa yar yar ama dhal ahaa ayaa lagu soo qabtay hawlgal ay sameeyeen ciidanka saldhiga booliska degmada Axmed Dhagax iyaga oo kaashanaya ciidanka Xuuranka.

Taliyaha saldhiga degmada Axmed ayaa sheegay in degaanka Baliga-cas laga soo qabtay Harimacadyadan iyo raggi watay, waxaanu intaas ku daray inay usuuragalisay wada shaqaynta ay bulshada la leeyihiin.

Waxaanu ku ammaanay bulshada sida ay markasta u garab taagan yihiin ciidamada.

DAAWO: Wasaaradda Deegaanka JSL oo soo qabatay Harimacadyo la dhoofinayay:

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here