Xidhistii Beebabka Mashruuca Biyo Balaadhinta Caasimada Hargeysa Oo Maanta si Rasmiya loo Bilaabay + DAAWO SAWIRRO

0
837

Hargeysa, (HargeisaPress) — Waxa Maanta si rasmi ah loo bilaabey xidhistii Beebka Mashruuca Biyo Balaadhinta Caasimada Hargeysa, mashruucan oo aad u balaadhan ayna iska kaashadeen Dawlada Somaliland Midowga Yurub (EU) iyo Sanduuqa Horumarinta Somalilnand(SDF).

wakaalada 3

“iyada oo laga soo bilaabey Kaamka Biyo Shiinaha loona soo socda xaga Magaalada Hargeysa, waxa rajo fiican lagaga muujiyey in hawshani wax wayn ka beddeli doonto biyaha Hargeysa oo aan waqtigan ku filnayn dadweynaha Caasimadda Hargeysa” ayuu yidhi Md. Ibraahim Siyaad

Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa Md. Ibraahim Siyaad Yoonis, ayaa tilmaamay inay farxad wayn u tahay hay’addiisa in maanta si toos ah loo bilaabo hawsha. ayuu yidhi Mr. Ibraahim Siyaad Yoonis oo qoraal kooban ku faafiyey bogga facebook uu ku leeyahay.

wakaalada 2

“Waxaananu ilaahay ka baryeynaa in uu inagu guuleeyo dhameystirka Mashruuca kaas oo wax badan ka qaban doona Biyaha Caasimada Hargeysa” ayuu yidhi Md. Ibraahim Siyaad.

Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF) oo ay maalgalinayaan dawladaha Ingiriiska, Denmark, Norway iyo Holland oo loogu talogay in dawladda Somaliland lagaga caawiyo sidii loogu fulin laaha mashaariicda Qorshaha Horumarinta Qaranka, waxa Wakaaladda Biyaha Hargeysa looga qoondeeyey mashruucan lacag dhan $8.6 Milyan, taas oo $7.2 Milyan ka mid ah lagu soo iibiyey dhuumahan iyo qalabkooda kale.

Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa Md. Ibraahim Siyaad Yoonis (Photo File)
Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa Md. Ibraahim Siyaad Yoonis (Photo File)

 

 

 

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here