“Madaxda Midawga Afrika Waxaan Cod dheer ugu sheegay in ay dhiirradaan oo ay nala..” Wasiir Xirsi

0
873

Hargeysa, (HargeisaPress) — Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa sheegay inuu qaar ka tirsan Madaxda Midawga Afrika gaadhsiiyey farriin nuxurkeedu la xidhiidho sida ay Qarannimada iyo Madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland indhaha uga qarsadeen iyo sida ay u buuxisay dhammaan shuruudihii looga baahnaa dal madax-bannaan.

Wasiir Xirsi oo gelinkii dambe ee Maanta ka soo laabtay Safar ay isaga iyo Wasiirka arrimaha dibedda Maxamed Biixi Yoonis iyo Masuuliyiin kale ku joogeen magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya, waxa uu sheegay inay isaga iyo Wasiir Biixi kulammo la yeesheen Wasiirro dawladda Federaalka Itoobiya ka tirsan oo uu xusay inay ka wadahadleen muhiimadda Jidka Berbera iyo Itoobiya isku xidhayaa u leeyahay labada dal iyo sida loogu baahan yahay in loo dardar-geliyo.

“Intii aannu ku sugnayn Caasimadda Addis Ababa ayaannu kulammo la qaadannay Wasiirrada Wasaaradaha Maaliyadda iyo Hawlaha guud iyo Waddooyinka ee dawladda Ethiopia, halkaas oo aannu kaga wadahadalnay muhiimadda Jidka Berbera Corridor iyo sida uu labada dalba muhiimad weyn ugu leeyahay marka laga eego koboca dhaqaalaha iyo isu-socodka labada dal.” Sidaa ayuu ku sheegay Qoraal uu Bartiisa Internet-ka ee Guusha.com Caawa ku baahiyey Wasiirka Madaxtooyada Somaliland.

Xirsi Cali Xaaji Xasan oo sii watay qoraalkiisa waxa uu yidhi; “Wasiirrada ayaa dhankooda si mugle u xusay qiimaha jidkaasi u leeyahay iyo baahida weyn ee ay u qabaan in ay kor u qaadaan Macaamilka ay la leeyihiin Marsada dalkeenna ee Berbera, iyagoo xusay in ay dhankooda dardar-gelin doonaan.”

xisi xaaji

“Waxaa sidoo kale xusid mudan in intii aan ku sugnaa Caasimadda Addis Ababa aan nasiib-wanaag kala qaybgalo Arday reer Somaliland ah oo ka qalin-jebinaysay Jaamacadda New Generation faraceeda Hargeysa, waxaanan u rejaynayaa dhammaantood mustaqbal iftiin badan iyo guul waarta.” ayuu yidhi Xirsi.

Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan mar uu ka hadlayey farriin uu gaadhsiiyey Midawga Afrika, waxa uu qoraalkiisaas ku yidhi; “Munaasabadda qalin-jebinta oo ka dhacaysay dhismaha Midawga Afrika ee Addis Ababa, ayaan mahad-celin ka dib waxaan Masuuliyiintii Midawga Afrika ee goobta ku sugnaa u jeediyey farriin gudbinaysa dareenkayga iyo dareenka Shacabkayaga Somaliland aniga oo kala hadlay sida Midawga Afrika Indhaha uga laabteen in ay qiraan Qarannimada qaan-gaadhka ah ee Somaliland.”

“Waxaanan cod dheer ugu sheegay in ay dhiirradaan oo ay nala dhammaystiraan himilada Qaranka Somaliland oo ah mid aan indhaha laga qarsan karin, aniga oo xusay kaalinta Somaliland kaga jirto ammaanka Mandaqadda iyo sida ay u dhammaystirtay dhammaan shuruudaha looga baahan yahay dal madax-bannaan. Waxaan u sheegay in ay iman doonto maalin riyada Somaliland rumawdo, isla maalintaasna shacabka reer Somaliland si fiican u kala sharfi doonaan cid walba intii ay u jirtay maalintii adkayd!.” Sidaa ayuu qoraalkiisa ku yidhi Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here