Waxa La Sheegayaa Xubno Ka Socda Wasaarada Khaarajiga Denmark Iyo Wasiiro Xukuumadda Siilaanyo Ah Oo Gacmaha Weydaarsanaya Dhiibida Muwaadin Hargeysa Ku Xidhan

0
806

Xukuumada Axmed siilaanyo waxay shalay iibisey moofadii cilmi boodheri ka shaqeyn jiray ee ku taaley magaalada berbera,maantana waxay bilawday inay dadkii iibiso waxa maalmahanba ka socdey maxkamada gobolka ee magaaladda Hargeysa dacwad ka timid dalka Denmark dawcwadani waxay ku socotaa muwaadin u dhashay dalkan j.s.land,sida la sheegey dalka denmark ayaa dalka Somaliya ka soo codsatay in loo soo celiyo ninkan u dhashay dalkan j.s.land,kadibna dawlada somaliya ayaa toos uula soo hadashay qasriga madax tooyada j .s.land,waxa kaloo intaas dheer waxa magaaladda Hargeysa ku sugan laba xubnood oo ka socda wasaarada arimaha debeda ee dalka denmark isla markaana soo maray magaalada muqdisho.

warar xogogaala ayaa sheegey iney gacanta is weydaar sadeen labada xubnood iyo wasiiro ka tirsan xukuumada Axmed siilaanyo iyadoo ay labada xubnood doonayaan inay ka xaystaan muwaadinkan dhulkiisii jooga isla markaana maxkamad ku taagaan dalka denmark waxaanay sheegeen inuu ninkani debiyo ka galay si kastaba wax ha u jiraane dad weynaha ku nool magaalada hargeysa ayaa si gaara indhaha uugu arinkan xasaasiga ah.

 

Mujaahid Cali Cismaan Libaax (Cali Xaraaro)

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here