Xidhidhka Ciyaaraha Fudud oo Shaaciyey Tartan Orodada Ah iyo Shuruudaha Orodyahanada Laga Rabo

0
795
Xidhidhka Ciyaaraha Fudud ee Somaliland

Hargeisa (Hargeisa Press) — Xidhiidhka ciyaaraha fudud ee Somaliland ayaa shaaciyay inay dhawaan qaban doonaan tartanka dhanka ororka ah, kaas oo ay ka qayb-gali doonaan orodyahanada caasimada Hargeysa.

Gudoomiyaha xidhiidhka ciyaaraha fudud ee Somaliland Maxamed Xasan Nageeye oo u waramaayay wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA ayaa sheegay in diiwaan gelinta ciyaaryahanada danaynaaya inay ka qayb-qaataan tartankaas ay yimaadaan xafiiska xidhiidhka ciyaaraha fudud laga bilaabo 23/01/2021 ilaa 23/02/2021.

Maxamed Xasan Nageeye gudoomiyaha xidhiidhka ciyaaraha fudud ee Somaliland waxa kale oo uu sheegay in sharuudaha laga rabo orodyahanada ka qayb-qaadanaaya tartankaas ay ka mid yihiin:-

Inuu sito kaadhka dhalashada Somaliland.

Inuu sito warqada caafimaad oo ka soo baxday cisbitaalka guud ee Hargeysa.

Inuu bixiyo bixiyo afar iyo afartann kun oo shlinka Somaliland ah.

Orod yahanka tartankaas ka qayb-galaaya ee ka tirsan koox ama naadi waa inuu bixiyaa lix iyo sideetan kun oo shilinka Somaliland ah.

Ugu dambayn gudoomiyaha xidhiidhka ciyaaraha fudud ee Somaliland waxa uu sheegay in tartankaas qabashadiisa ay la kaashan doonaan wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha Somaliland, waxaanuu intaas ku daray in u jeedada tartankaasi tahay horumarinta iyo kor u qaadida ciyaaraha fudud.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here