Xasan Sheekh oo Taageero U Raadsaday Uganda

0
854

Kampala (Hargeisa Press) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wefdi uu hoggaaminayo, ayaa gaadhay magaalada Kampala ee xarunta dalka Uganda.

Sida lagu sheegay qoraal la soo dhigay bogga Faceboog ee madaxtooyada Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa wada-hadallo ku qotoma xoojinta iyo garab istaagga dagaalka ay kula jiraan ururka Al-shabaab ee ka socda qaybo ka mid ah Soomaaliya, la yeellan doona madaxda dalkaas.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa taageero heer gobol ah u raadinaya dagaalka dowladiisu ay ku doonayso in Al-shabaab, ay kaga adkaato.

Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sidoo kale barri ka qayb gali doona 60-sano guuradii ka soo wareegatay markii uu dalkaasi xorriyadda qaaatay, isagoo shacabka iyo dowladda Uganda ugu hambalyeeyay sannad-guurada xornimadooda.

Waxa uu sidoo kale tilmaamay in shacabka iyo dowladda Soomaaliya ay uga mahad-celinayaan doorka ay ka qaadanayaan ciidamada Uganda, nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya.

May be an image of 6 people, people standing and outdoors

May be an image of 10 people, people standing, outdoors and text that says 'dom airline'

May be an image of 3 people, people sitting, people standing and indoorMay be an image of 1 person and sitting

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here