Xildhibaan Qodax: “Shacabka Somaliland cadow iskuma aha ee yaan cunfi-lakala dhexgelin”

0
1381

Hargeysa (Hargeisa Press)- Xildhibaan Cabdinaasir Qodax oo ka tirsan Xildhibaanada golaha Wakiillada Somaliland, kana mid ah mudaneyaasha xisbiga KULMIYE ee gobolka Maroodi-jeex, ayaa khudbad u jeediyay taageerayaasha xisbiga KULMIYE ee magaalada Hargeysa ee isugu soo baxay fagaaraha beerta xorriyadda.

Xildhibaan Cabdinaasir Qodax, ayaa waxaa uu taageerayaasha xisbiga KULMIYE u jeediyay hadalo isugu jira dhiiri gelin iyo dardaaran.

Waxaana uu Xildhibaan Qodax ugu baaqay taageerayaasha xisbiga KULMIYE in ay codkooda la garab galaan murrashaxiinta xisbiga KULMIYE.

Sidoo kale, waxaa uu ugu baaqay taageerayaasha xisbiga inay ka digtoonaadaan inay maalinta codaynta meel kale wakhtigooda geliyaan.

Xildhibaan Cabdinaasir Qodax, ayaa waxaa kale oo uu sheegay in shacabka Somaliland aanay cadow isku ahayn, isagoona ku baaqay in aan cunfi lakala dhexgelin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here