Murashax Saajin oo la dardaarmay taageerayaasha xisbiga KULMIYE ee Boorama

0
789

Boorama (Hargeisa Press)- Murashaxa Madaxweyne ku xigeen ee xisbiga KULMIYE, ahna Wasiirka wasaaradda Ganacsiga Somaliland Maxamuud Xasan Sacad Saajin, ayaa khudbad dhinacyo badan taabanaysa u jeediyay taageerayaasha xisbiga KULMIYE ee magaalada Boorama.

Murashaxa Madaxweyne ku xigeen ee xisbiga KULMIYE, ayaa taageerayaasha xisbiga ee magaalada Boorama uga mahadnaqay sida ay u muujiyeen taageerada laxaadka leh ee ay u hayaan xisbiga KULMIYE.

Wuxuu taageerayaasha xisbiga ee gobolka Awdal faray in sida ay maanta cadceeda ugu adkaysteen ay maalinta codayntana safafka u taagnaadaan oo ay u adkaystaan cadceeda.

Murashax Saajin, ayaa sidoo kale faray taageerayaasha xisbiga KULMIYE ee gobolka Awdal in ay ilaashadaan kaadhadhkooda codaynta, taasi oo uu sheegay in weerar lagu hayo.

Wuxuu dhinaca kale taageerayaasha faray in halgankii xisbiga KULMIYE ku jiray ay ka hadhay 13 bisha November oo kaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here