Muqdisho (Hargeisa Press) – Saraakiisha mucaaradka Soomaaliya, ayaa sheegay in maanta ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ay rasaaseeyeen kolonyo baabuur ah oo galbinaysay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Shilkan, ayaa ka dhacay meel u dhow Maxkamadda Gobolka Banaadir. Rasaastaas, ayaa la sheegay inaanay sababin wax dhimasho iyo dhaawac ah.
Dhinaca kalena, mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya, ayaa xaqiijiyay inay dhacday dhacdadaasi, waxayna sheegeen inay ahayd arrin u dhacday si shil ah oo ayna ahayn ula kac.
Wasiirka Caddaalladda ee dowladda federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa sheegay inay arrintaas ka raali-gelinayaan Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Wasiirka oo la hadlayay warbaahinta dowladda Soomaaliy,a ayaa sheegay inuu ahaa shilkaasi mid aan lagu talo gelin.
Mas’uuliyiinta, ayaa sheegay in dhacdadan ay ku lug lahaayeen ciidamada asluubta. Wasiirka ayaa intaaas ku daray in dhacdadaas baadhitaan lagu samaynayo.
Wasiirkii hore ee Amniga Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo sheegay inuu la socday Xasan Sheekh xilligii la rasaaseeyey, ayaa ku sheegay bartiisa twitter-ka in Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble uu baadhitaan ku sameeyo, “isku dayga dil” ee ka dhanka ahaa Madaxweynihii hore. Waxa uu sheegay inay arrintaasi tahay “daandaasi aan la aqbali karin”.