Cabdiraxman Cirro oo loo doortay Madaxweynaha Somaliland

0
2561

Hargeysa (Hargeisa Press)- Musharaxa xisbiga Waddani Cabdiraxman Maxamed Cabdullaahi Cirro, ayaa loo doortay madaxweynaha cusub ee Somaliland, sida ay shaaciyeen Guddida Doorashooyinka qaranka Somaliland.

Guddida doorshooyinka Somaliland, ayaa maanta ku dhawaaqay natiijada ku meel-gaadhka ah ee doorashooyinkii isku sidkanaa ee Somaliland ka dhacay bishan 13-keedii, taasi oo uu ku guuleystay madaxweynenimada Somaliland ee shanta sano ee soo socta Cabdiraxman Maxamed Cabdullaahi Cirro, halka uu ku-xigeenka ku guulesystay Maxamed Cali Cabdi.

Guddoomiyaha guddida Doorashooyinka Somaliland Muuse Xasan Yuusuf oo ku dhawaaqay natiijada, ayaa sidoo kale sheegay inay doorashada ururrada ku guuleysteen Xisbiga Waddani, Xisbiga Kulmiye iyo Ururka Kaah.

Natiijadan oo ah mid ku meel gaadh ah waxa guddigu u gudbin doonaa Maxakmadda Sare si ay rasmi ahaan ugu dhawaaqdo.

Madaxweynaha Cusub iyo ku-xigeenkiisu waxay heleen boqolkiiba 63.92, musharxiintii Kulmiye ayaa helay boqolkiiba 34.81, halka Ucid ay heleen 0.74.

Doorashadan oo ay u diiwan gashanayeen in ka badan milyan iyo laba boqol oo kun waxa codkooda dhiibtay in ka badan lix boqol oo kun.

Madaxweynaha la doortay ee Somaliland Cabdiraxman Maxamed Cabdullaahi Cirro, ayaa hadal kooban u jeediyay shacabka reer Somaliland.

Cabdiraxmaan Cirro, ayaa sheegay in aanay jiri doonin wax dabaal-deg ah mamadama wali taalo gogosha tacsida ee madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo oo shalay lagu aasay magaalada Hargeysa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here