Xasan Sheekh oo Buriyey Xeerar Madaxweyne oo Hore

0
1007

Muqdisho (Hargeisa Press) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa baab’’iyey xeerar hore uga soo baxay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo lasoo saaray sanadkii 2020.

Xeerarkan ayuu Xasan Sheekh sheegay in Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay tilmaameen in ay khilaafsan yihiin habraaca Dastuurka Kumeel Gaadhka ah uu tilmaamayo.

Xasan Sheekh, ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in isaga oo tixraacaya Qodobka 87aad ee Dastuurka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, oo ku waajibinaya ilaalinta iyo horumarinta mabaadi’da aasaasiga ah ee Dastuurka Soomaaliya, uu buriyey xeererka Madaxweyne kala ah:

1- Xeer Madaxweyne Lr.40 oo ku taariikhaysan 31/12/2020, kuna saabsan Ansixinta Sharciga Wax-ka Bedelidda Qodobka 9aad ee Sharciga Lagu Dhisay Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka.

2- Xeer Madaxweyne Lr.42 oo ku taariikhaysan 31/12/2020, kuna saabsan Ansixinta Sharciga Wax-ka Bedelidda Qodobka 10aad ee Sharciga Lagu Dhisay Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuduudaha iyo Federaalka.

3- Xeer Madaxweyne Lr.41 oo ku taariikhaysan 31/12/2020, kuna saabsan Ansixinta Sharciga Hay’adda Diiwaan-Gelinta iyo Aqoonsiga Dadweynaha Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa faray Xukuumadda Federaalka Soomaaliya in ay soo dhisto Xubnaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Xubnaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuduudaha iyo Federaalka si waafaqsan Qodobka 112aad ee Dastuurka KMG iyo shuruucda lagu dhisay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here