Maxkamadda Sare oo Go’aan Ka Gaadhay Dacwadii Urur-siyaasadeedka Talo-wadaag

0
1571

Hargeysa (Hargeisa Press) – Maxkamadda Sare ee Somaliland, ayaa dhagaysatay Dacwad Idaari ah oo u dhaxaysay Urur-siyaasadeedka Talo-wadaag iyo Guddiga Diiwaangelinta Urrurada iyo Ansxinta Axsaabta Qaranka, taasi oo ku aadan Racfaan uu Urrurka Talo-wadaag ka soo qaatay go’aan ay hore u soo saareen Guddiga Diiwaangelintu Urrurada iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka.

Maxkamadda, ayaa dacwada dhagaysigeeda u fadhiisatay Salaasadii oo ay bishu ku beednayd 15/11/2022-ka, waxaanay dhagaysatay dood-afeedkii iyo cadaymihii ay darafyadu ku soo bandhigeen Maxkamadda horteeda.

Maxkamadda sare, ayaa markii ay daristay doodii iyo dhammaan cadaymihii ay dhinacyadu u soo gudbiyeen, waxa ay xukuntay in urur-siyaadeedka Talo-wadaag u gudbay tartanka Doorashada Axsaabta Qaranka.

Sidoo kale, waxay Maxkamaddu fartay Guddiga Diiwaangalinta Urrurada Siyaasada iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka in Urur-siyaasadeedka Talo-wadaag lagu daro liiska urrurada gudbay ee loo gudbinayo Guddiga Doorashooyinka Qaranka ee ka qayb qaadanaya tartanka doorashada Axsaabta Qaranka.

Waxa xusid mudan in ururadii Guddigu sheegtay in ay ka hadheen ama aanay buuxin shuruudaha loogu gudbayo tartanka doorashada Axsaabta Qaranka, uu ururka Talo-wadaag oo kali ahi u soo gudbiyay Maxkamadda dacwad uu kaga soo racfaan qaatay go’aankaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here