Hargeysa: Xisaabiyaha Guud Oo Ka Badheeedhay Curyaaminta Shaqadii Qaranka.Laaluushna Ka Dalbanaya Hay’adihii Dawladda.

0
1216
Xisaabiyaha Guud ee Qaranka Somaliland Axmed Daauud Geeddi

Maalmihii U Danbeeyay Waxa Isa Soo Tarayay Cabashooyin Ka Imanaya Hay’adaha Dawaladda Sida Wasaaradaha Iyo Hayadaha Kale Ee Madaxa Banaan Qaarkood,Cabashadaasi Oo Ku Aadan, Sida Uu Ula Dhaqmayo Hay’adahaasi, Xisaabiyaha Guud ee Qaranka Somaliland Axmed Daauud Geeddi,Iyadoo Qaar Badan Oo Ka Mid Ah Maamulka Hay’adahaasi Caddeeyeen,In Xisaabiyaha Guud Caqabad Ku Yahay Habsami Socodka Hawlihii Adeegga Guud Ee Hay’adahaasi Masuulka Uga Ahaayeen Qaranka, Isla Markaana Xisaabiyuhu,Uu U Muuqdo Nin Ka  Badheedhay Curyaaminta Shaqadii Qaranka.

Xisaabiyaha Guud ee Qaranka Somaliland Axmed Daauud Geeddi ayaa la Sheegayaan,In Foojar Kasti Oo Madaxda Laamaha Dawladdu Usoo Gudbiyaan Xisaabaadka Guud,Uu Xisaabiayaha Guud Isku Taagayo,Isla Markaana Ay Ka Waayeen Inuu U Caddeeyo Sababaha Uu Isku Hor Taagayo,Ama Ku Diidan Yahay,Iyadoo Hawlo Dhan Oo Qayb Ka Ah Shaqadii Qaranku U Xayiran Tahay Foojarkaasi,Taasi Oo Ay Tilmaameen Inay Todobaadyo Dhan Ama Bil Iyo Wax Ka Badan Ka Daba Meeraystaan,Taasina Runtii Ma Aha Mid Anfacaysa Dedaalka Hoggaanka Dalku Ugu Jiro Horumarinta Qaranka,Waayo Haddii Aan Qof Kastaaba Dhinaciisa Fududaynin Hawsha Uu Masuulka Ka Yahay,Isla Markaana Daacad Ka Noqon Xilka Loo Igmaday,Suurto Gal Maaha In Natiijo Fiican Laga Gaadho Yoolkii Ummadani Lahayd,Waxaana Ku Waajib Ah Xisaabiyaha Guud Iyo Shakhsiyaadka Kale,Ee U Darban Curyaaminta Shaqada Qaranku Inay Ka Waantoobaan Afcaashaasi Leexsan,Hagardaamadana Ku Ah Socod Siinta Hawlaha Qaranka……

La Soco Qaybta 2aad Oo Xambaarsan Xogo Muhiim Ah.

Axmed Xuseen Caga Dhidid….Hargaysa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here