Agaasimaha Cusub Ee Wasaaradda Biyaha oo Xilka La Wareegay

0
409

Hargeysa (HP): Wasiirka wasaaradda Biyaha Somaliland Saleebaan Cali Koore, ayaa xilalka u kala wareejiyay Agaasimaha cusub ee wasaarada Biyaha Nafiisa Maxamuud Shirwac, iyo Agaasimihii hore ee wasaaradaasi Cabdiraxmaan Faarax Balal.

Sidoo kale waxaa xil wareejintaasi goob joog ka ahaa wasiir ku-xigeenka wasaarada Horumarinta Biyaha Maxamuud Jaamac Warfaa, wasiir ku xigeenka wasaarada Arimaha bulshada Qoyska iyo shaqada Yurub Abiib Cabdi, iyo masuuliyiin kale.

Wasiirka wasaarada Biyaha Saleebaan Yuusuf Cali Koore, oo hadal ka jeediyay halkaas ayaa waxa uu sheegay in ay ku haboon tahay Agaasimaha cusub ee loo soo magacaabay wasaarada Biyaha.

Waxaanu yidhi β€œWaxa aanu soo dhawaynaynaa Agaasimaha Madaxweynaha Somaliland u soo magacaabay Wasaarada Biyaha,waxaana is leeyahay way ku haboon tahay in ay shaqadan qabato.

Sidoo kale Agaasimihii hore ee Wasaarada Biyaha waxa uu aqoon u leeyahay shaqada Wasaarada waanu joogi doonaa”.

Wasiir ku-xigeenka wasaarada Biyaha Maxamuud Jaamac Warfaa, oo isn hadal ka jeediyay halkaas ayaa waxa uu tilmamay in Agaasimihii hore ee Wasaaradaasi uu si xilkasnima ah ugu shaqeeyay mudadii uu joogay wasaarada.

Waxaanu yidhi β€œAgaasimihii guud ee hore waxa uu ahaa nin xilkas ah oo aqoon leh oo shaqaalaha u cadaalad sameeya, nasiib wanaag Inagamuu taagin, waxaanan soo dhawaynayaa Agaaasimaha cusub ee Wasaarda Biyaha”.

Wasiir ku xigeenka wasaarada Arimaha bulshada Qoyska iyo shaqada Yurub Abiib Cabdi, oo hadal ka jeedisay halkaas ayaa waxa ay sheegay in muhiim tahay in cadaalad wax lagu maamulo.

Waxaanay tidhi “Qof kasta oo masuula hadii uu cadaalad sameeyo inta Wasaarada joogo waa wax qaaliya,hadii cadaalad la helo waxba ma xumaadaan”.

Geesta kale agaasimaha cusub ee wasaarada Horumarinta Biyaha Nafiisa Maxamuud Shirwac, oo hadal ka jeedisay madasha ay xilka kula wareegaysay ayaa tilmaantay in cadaalad ku maamuli doonto wasaarada.

Waxaanay tidhi ”Waxaan idin balanqaadayaa In aan Wasaaradda ku maamuli doono hab cadaalad ah,waxaana aan uga mahadnaqayaa Madaxweynaha Somaliland Muese Biixi Cabdi oo igmaday xilka Wasaarada biyaha,”.

Dhunaca kale Agaasimihii guud ee hore ee wasaarada Biyaha Cabdiraxmaan Faarax Balal, oo isna hadal ka jeediyay halkaas ayaa waxa uu timaamay wax yaabihii u qabsoomay.

“Waxa aanu kordhinay aqoonta ay leeyihiin Shaqaalaha, waxa aanu samaynay tababaro waxa aanu la xidhiidhnay dunida oo dhan iyo sahminta Wasaarada u baahantahay.

Sidoo kale waxa aanu hindisnay waaxda isbadalka Cimilada iyo in la raadiyo xogta biyaha” ayuu yidhi Cabdiraxmaan Faarax Balal.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here