Jigjiga (Hargeisa Press) – Wararka ka imanaya degmada Maa’iso ee gobolka Sitti ee dawlad deegaanka Soomaalida dalka Itoobiya ayaa sheegaya in abaarta jirta ay macaluul u raacday deegannada degmadaa hoos taga qaarkood.
Intaa waxa dheer in ay beryahan taagnayd colaad dhex taal qoomiyadaha Soomaalida iyo Canfarta.
Xuseen Qayaad Gadiid oo ka mid ah odayaasha deegaanka Maa’iso ayaa sheegay in dad ay u dhinteen gaajo darteed kadib saameynta ka dhalatay abaaraha ku dhuftay deegaanka.
Wuxuu intaas ku daray in dadka ay sida weyn u saameysay abaarta ay kamid yihiin haweenka iyo dadka da’da ah.
“Waxaa isugu key darmay abaar xun, daacuun caloola iyo dadka oo gaajo laysay ..oo geelina uu dhimanayo”.Waxaa weli ka taagan qaybo ka mid ah Geeska Afrika abaar ba’an oo saamaysay dad iyo duunyaba.