Wershad Soo Saaraysa Kalluunka Oo Berbera Laga Hirgelinayo

0
707

Berbera (HP): Warshad soo saari doonto Kalluunka oo lagu tilmaamay tan ugu weyn ee Geeska Africa ayaa laga hirgelinayaa magaaladda Berbera ee xarunta gobolka Saaxil.
Waxaana la filayaa in wershadaasi aadka u weyn dhawaan xadhiga looga jari doono, taasoo noqonaysa tii ugu horaysay ee nooceedda ah oo magaalada Berbera laga sameeyo.
Maamulaha guud ee warshadaasi Sometune Ismaaciil Sheekh Saalax, ayaa warbaahinta u sheegay in ay ka shaqayn doonaan dad gaadhaya ilaa iyo 18 kun oo qof.
Kuwaas oo ka kala hawl-geli doona qaybaha kala duwan ee shaqadda dhanka warshada xagga iyo Badda.
DAAWO: Warbixin Wershadaasi Ku Saabsan:

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here