Wasiirka Beeraha Somaliland Oo Kormeer Ku Tegay Gabiley

0
506

Gebiley (HP): Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha JSL Cabdiqaadir Iimaan Warsame iyo Wefti uu hoggaaminayey, ayaa kormeer ku tagay Beer si casriya loo beeray, taasi oo ku taalla degaanka Carro-yaambo ee Degmada Arabsiyo ee Gobolka Gabiley.
Beertan oo loo beeray Habka Casriga ah ee loo yaqaano ‘Green House-k’, ayaa Muwaadinka hirgeliyey, wuxuu ka beeray khudaar kala duwan, taasi oo iskugu jirta Geed-weyn iyo Geed-gaab.
Geed-weynta waxa ka mid ah Cambe, halka Geed-gaabkana ay ka mid yihiin Xabuub, Qaji, Barbarooni iyo Khudaar kale oo muhiim ah, sida Salladhka.

Muwaadinkan Beertan hirgeliyey, ayaa isticmaala Biyaha Roobka oo uu u diyaarsaday meel ay ugu dhacaan iyo Ceel Riig ah, taasi oo keentay In Muwaadinkaasi oo Beeralayda kale ku Caawiyo Siidh iyo Tababbarro, si ay uga faa’idaystaan.
Muwaadinka Beerta aasaasay iyo xubno ka mid ah hawl-wadeennadiisa, ayaa Wasiirka Wasaaradda Beeraha Mudane Cabdiqaadir Iimaan Warsame u sharraxay shaqada ay Beerta ka qabtaan, waxayna sheegeen In habka casriga ah uu ka faa’iido badan yahay habkii soo-jireenka ahaa.
Tusaale ahaan, waxay sheegeen in Geedka Tamaandhada ahi marka aan si casriya loo beerin uu Cimrigiisa oo dhan dhalo 2KG oo xabuub ah, halka marka si casriya loo beero uu Cimrigiisa oo dhan dhalo 16KG.
Wasiirka Wasaaaradda Beeraha Somaliland Cabdiqaadir Iimaan Warsame, ayaa bogaadiyey Muwaadinka dedaalkan sameeyay, waxaanu u soo jeediyey inuu halkaa dedaalka ka sii wado, Wasaarad ahaana ay hiil iyo hooba la garab taagan yihiin.
Ugu dambayn, Wasiirku wuxuu Beeralayda Somaliland oo dhan u soo jeediyey inay kor u qaadaan Aqoontooda dhimaca Wax-beerista, si wax-soo-saarkoodu waxyar u yeesho.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here