Wejiga Labaad Dhismaha Jidka Laascaanood iyo Kalabaydh Oo La Bilaabay

0
1146

Laascaanood (HP): Dhismaha jidka isku xidhaya magaalooyinka Laascaanood iyo Kalabaydh ee gobolka Sool ayaa maanta dib loo bilaabay, kadib markii uu muddo hakad ku yimid dhismaha wadadaasi.

Waana wejigii labaad ee bilawga dhismaha jidkani, iyadoo uu hore u soo dhamaaday qayb ka mid ah dhismaha Wadadaasi oo Laami laga dhigay.

Wadadan oo dhererkeedu yahay 32KM, waxaana  dhismaha jidkaasi iska kaashanaya xukuumadda Somaliland iyo bulshadda deegaankaasi.

Taasoo ay dhismaheedda wadaan gaadiid iyo shaqaale ay u soo dirtay wasaaradda jidadka iyo gaadiidka ee Somaliland.

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here