Wefti Ka Socday Wadamadda Taageerra Somaliland Oo Kulan La Yeeshay Komishanka Doorashooyinka

0
471

Hargaysa (HP): Wefti sare oo ka socday waddamada Somaliland ka taageera arrimaha doorashooyinka iyo dimoqraadiyada ayaa maanta kulan la yeeshay komishanka doorashooyinka Somaliland.
Weftigaasi oo safar ku jooga Somaliland ayaa ka kala socday midowga yurub(EU), UK, Sweden, Norway, Finland, Denmark iyo Germany.


Kulankan ayaa looga hadlay arrimaha diiwaangelinta iyo doorashooyinka fooda inugu soo haya iyo sidii looga wada shaqayn lahaa bilaabidda diiwaangelinta codbixiyayaasha, loona xoojin lahaa hannaanka dimoqraadiyadda Somaliland.

Dhankoodda Komishanka Doorashooyinka Qaranka ayaa iyaguna dhinacooda uga warbixiyey waftiga qorshayaashooda shaqo ee ku aadan arrimaha diiwaangelinta iyo doorashooyinka inagu soo fooda leh, waxayna waftiga ka dalbadeen sidii ay u taageeri lahaayeen shaqada KDQ.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here