“Waxaan rejaynayaa in xulka Togdheer ay guul ka soo hooyn doonaan tartanka”…

0
519

Burco (Hargeisa Press): Xildhibaan Mubaarig Yuusuf Cilmi (Bidhi), ayaa rejo fiican ka muujiyay xulka Kubbada Cagta ee gobolka Togdheer ay ku guulaysan doonaan koobka goboladda Somaliland oo 28-ka bishan ka bilaabmaya caasimadda Hargaysa.


Waxaanu sheegay in gobolka Togdheer uu taariikh fiican iyo sumcad weyn ku lahaa ciyaaraha dalka.


Sidaas darteed na xulka Togdheer ee tartanka ciyaaraha goboladda dalka loo soo xulay uu ka rejaynayo in ay guul ka soo hooyaan tartankaasi.
Xildhibaan Mubaarig Bidhi, waxa uu sidan ka sheegay hadal uu ka jeediyay munaasibad lagu dhiiri gelinayay oo magaaladda Burco lagu qabtay oo loo sameeyay xulka Kubbada cagta iyo Kollayga ee gobolka Togdheer uga qayb gelaya ciyaaraha goboladfa Somaliland.
Waxaanu xildhibaan Bidhi, xulka Kubbada cagta iyo Kolayga ee gobolka Togdheer ku wareejiyay dirays iyo qalab kale oo Sports.


Waxaana xafladaasi ka soo qayb galay badhasabka Togdheer, badhasab ku-xigeenka, taliyaha qaybta booliska Togdheer, isuduwaha dhalinyaradda iyo ciyaaraha, giddida qaban qaabada ciyaaraha iyo macalimiintii Kubbada cagta iyo basketka iyo orodada, ciyaartooy hore, kuwada iyo marti sharaf kale.

Xildhibaan Mubaarig Bidhi, oo ka hadlayay rejadda uu ka qabo in xulka Togdheer ay guusha soo hooyaan waxa uu yidhi, “Waxaan rejaynaa in ay guul la taaban karro ka soo hoyn doonaan ciyaaraha goboladda dalka ee 28-ka bishan bilaabmi doonna. Insha Allaahu, oo kaalintii uu gobolka Togdheer kaga jiray ciyaaraha dalka. Waanan ku kalsoonahay.
Gobolka Togdheer, taariikh balaadhan buu ku lahaa ciyaaraha. Laakiin, waayadii danbe waxaad moodaa inuu wareega koowaad ama ka labaad ku hadhi jiray. Balse maanta waan ku kalsoonahay ciyaartooyga la soo xulay. Aad baanan ugu rejo weynahay in ay Koobka u keeni doonaan gobolka.
Waayo? Waa ciyaartooy is haysta. Haday weerrarka tahay, haday difaaca tahay iyo haday dhexda tahay ba”.


Geesta kale Mubaarig Bidhi, ayaa ugu baaqay maamulka gobolka Togdheer, ka degmadda Burco iyo bulshadda gobolkaba in taageero iyo dhiiri gelin la isla bar-bar taago ciyaartooyga gobolka.
“Waxaa muhiim ah, in si ficliyan ah taageero la iskula garab taago xulka gobolka. Dhalinyaradu markay Mooraal helaan, ee la taageero, ayay guul keeni karaan.
Waxaanan jeclaan lahaa, in dhalinyarada la is bar-bar taago, oo wixii ay u baahan yihiin la siiyo, oo laga farxiyo, oo iyagoo faraxsan ay Hargaysa tagaan.
Marka ay Hargaysa tagaa na, in la is dhinac taago, maamul gobol ahaan iyo degmo ahaanba” ayuu yidhi Mubaarig Bidhi.


Dhinaca kale xildhibaan Bidhi, ayaa ugu baaqay qurbe joogta gobolka Togdheer iyo shirkadaha ganacsiga ee gobolkaasi in wixii ay ku taageerayaan xulka gobolka in ay u dedejiyaan.
“Qurbe joogta gobolkan Togdheer u dhalatay, xubnihiina halkan nala jooga iyo dhamaantiin ba, iyo shirkadaha ba, waxaan leeyahay haddii aad wax u haysaan ciyaartooyga, u soo dedejiya” ayuu yidhi xildhibaan Mubaarig Bidhi.

Daawo: Hadalkii Xildhibaan Bidhi:


Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here