Cali Gurey oo Ka Digay Heshiiskii Ay Xukuumada Somaliland La Gashay Shirkada TRAFIGURA

0
3521

Hargeisa (Hargeisa Press) – Siyaasiga Cali Maxamed Yuusuf (Cali Gurey) oo ka mid ah siyaasiyiinta Somaliland ayaa waxaa uu si adag uga hadley heshiiska ay Xukuumadda Somaliland la gashay Shirkada TRAFIGURA.

Siyaasiga ayaa xukuumadda ugu baaqay in ay iftiimiso mad-madowga ku jira heshiiskaasi ay la gashay shirkadaasi iyo danta ugu jirta Somaliland.

Cali Gurey ayaa heshiiskaasi ku tilmaamay in uu noqon karo fadeexadii ugu weynayd ee Somaliland soo marta abid.

Waxaa uu sidoo kale ka hadley sababta uu Baarlamanka Somaliland uga hadli waayay heshiiska shirkadaasi, isagoo u soo jeediyay in ay ka hadlaan heshiiskaasi hadii aanay waxka soo gaadhin heshiiska.

Xisbiyada mucaaridka iyo ganacsatada dalka ayuu ugu baaqay in ka hadlaan heshiiska ay xukuumadu la gashay shirkadaasi.

Siyaasi Cali Gurey ayaa sidaasi ku sheegay qoraal uu ku baahiyay boga uu ku leeyahay Facbook, waxaanu u dhignaa sidan:-

“Ma laga yaabaa fadeexaddii ugu waynayd ee abid soo marta Somaliland in ay noqoto heshiiska lala galay shirkaddan???

Marka laga eego dhinacyada sharciyadda heshiiska mugdiga iyo madmadowga ah ee lala galay, saamaynta shirkadaha waddaniga ah, Iyo ta ugu daran oo ah dacwadaha kaga socda Shirkaddan dalal badan oo dunida ah iyo taariikhdeeda madow ee shaqada qashinka nukeliyarka ee dalalka horumaray sharkado ka mid ah ay qandaraasyada ku siiyeen in ay meelo kale oo ka baxsan dalalkooda ay ku aasto? Sida fudud ee Wasiirka Ganacsigu uu isaga saxeexay ama la yidhi isaga saxeex iyo khilaafkii gudaha kulmiye gaar ahaan soo dedejinta bedelaadda Gudoomiye xigeenka 4aad wax xidhiidh ahi ma ka dhexeeyaa? Shirkaddu waxa la xaqiijiyay in sanad keliya lacagta ay laaluushka u bixisay ay gaadhayso 3, 000,000,000 ( sadex kun oo milyan ama 3bilyan) Somaliland lafteeda in kastoo aan la xaqiijin hadana wax aan badnayn ayaa la sheeg sheegayaa.

Waxa loo baahan yahay oo waajib ku ah in xukuumaddu ay wax badan ka iftiimiso madmadowga ku jira heshiiska lala galay shirkaddan iyo danta ugu jirta Somaliland oo aan ahayn iska dheh ee run ah oo la taaban karo.

Baarlamanka Somaliland ma laaluushka la sheegayo ayay wax ka soo gaadheen maxay wax uga sheegi waayeen heshiiska shirkaddan? Maye xisbiyadii mucaaridka sheeganayay? Maye ganacsatadii shidaalka ee waddaniga ahaa? Waa maxay bustahan qoyan ee lagu deday? Wax baa si ah oo wax wayn baa si ah.? Tan dadkeediina gaajo ha ugu dhex macaluulaan qoysasna milyan dheero malaydheero waxoodii ha ku noqdaan wax la qaadan karo maaha. Dalka miyaan la wada lahayn? Miyaan loo soo wada halgamin (Kii hore iyo kan dambeba)? Waa kee ka isagu keligii u soo halgamay ama nooga halgan badnaa ee xaq u leh wax aanan xaq u lahayn? Bal waa aniga i ha yidhaahdo. Waxa la doonayaa Somaliland la wada leeyahay, loo wada siman yahay oo la wada ilaashado.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here