“Waxaan cadaynayaa in xisbiga WADDANI aqbalnay go’aamadda ergadda dhex-dhexaadinta…”

0
570

Hargaysa (HP): Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI ee Somaliland ayaa shaaciyay in ay si buuxda u aqbaleen go’aamadii ay xalay soo saareen ergadii madax dhaqameedka ahayd ee isku xil qaantay xalinta khilaafka doorashooyinka.

Murashaxa kursiga madaxweyne-nimo ee xisbiga WADDANI C/raxmaan Maxamed C/laahi (cirro), oo ay wehelinayeen masuuliyiin kale oo xisbigaasi ka tirsan ayaa sheegay in ay xisbi ahaan aqbalayaan go’aamadda madax dhaqameedka.

C/raxmaan Cirro, waxa uu tilmaamay in markii hore ee ay ergadaasi u yimaadeen inuu siiyay kalsooni buuxda, sidaas darteed na ay xisbi ahaan arrintaasi tixgelinayeen.

Murashaxa madaxweyne-nimo ee xisbiga WADDANI, oo maanta warbaahinta kula hadlay magaaladda Hargaysa, waxa kaloo uu sheegay in ka xisbi ahaan ay mar kastaba dhaqan u ahayd in aanay diidin cid dhex-dhexaadin wadda.

DAAWO: Shirka Jaraa’id Ee C/raxmaan Cirro:

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here