Xisbiga UCID Oo Aqbalay Go’aamadii Ergadda Madax Dhaqameedka

0
765

Hargaysa (HP): Xisbiga mucaaradka ah ee UCID ayaa sheegay in ay xisbi ahaan aqbaleen go’aamadii ay xalay soo saareen ergadda dhex-dhexaadinta.

Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, oo maanta warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in xisbi ahaan go’aankaasi uu Kinniin qadhaadh ku yahay, laakiin iyagoo eegaya danta qaranka iyo duruufaha dalka taagan darteed in ay aqbaleen.

Geesta kale guddoomiyaha UCID oo marka uu shirka jaraa’id qabtay ku lebisnaa dharka Tuutaha ee ciidamadda ayaa ka hadlay xaaladaha dagaal ee Somaliland dhawaan kaga soo cusboonaaday gobolka Sool.

Waxaanu sheegay in loo baahan yahay in taako walba oo dhulkeena ah la soo celiyo, isla markaana ay xisbi ahaan arrintaasi ku garab taagan yihiin xukuumadda, iyo ciidamadda qaranka.

Dhinaca kale Eng. Faysal Cali Waraabe, waxa uu ka hadlay maleeshiyadda muddooyinkanba ku sugan buurta Gacan Libaax, ee gobolka Saaxil.

Kuwaasoo uu ugu baaqay in ay ciidamadda qaranka ka bar-bar dagaalamaan, maadaama oo cudurkii la daaweeyay.

DAAWO: Shirka Jaraa’id Ee Guddoomiyaha UCID:

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here