Wasaaradda Deegaanka JSL Oo Shaqaale U Tababaraysa Ilaalinta Duur joogta

0
365

Geed-deeble (HP): Agaasimaha Waaxda Duur joogta ee wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada JSL C/naasir Xuseen Siciid, ayaa maanta tababar u furay xubno ka socaay gobolada dalka qaarkood.

Tababarkani oo ka qabsoomaya xarunta Xanaaneynta Duur joogta ee Geed-deeble, ee Woqooyiga Hargaysa, ayaa ku saabsan ilaalinta iyo daryeelka duur joogta.

Waxaana tababarkani ka qayb galeyaasha lagu bari doonaa ilaalinta Deegaanka iyo sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka loo geysto Duur joogta.

Agaasimaha waaxda duur joogta ee wasaaradda Deegaanka Somaliland C/naasir Xuseen Siciid, oo tababarkaasi furay ayaa sheegay in xubnahani la tababarayaa ay ka kala yimaadeen degmooyinka Xariirrad, Qulujeed, Bali-gubadle, iyo Allaybaday.

Waxaanu ka qayb galeyaasha kula dar-daarmay in kadib marka ay tababarka dhamaystaan in ay shaqooyin ka qabtaan deegaamadda ay ka kala yimaadeen oo ah meelaha xuduudaha ee laga soo geliyo duur joogta marka la tahriibinayo.

C/naasir Xuseen Siciid, waxa kaloo uu sheegay in tababarkani ay bixinayaan khubarro ka socda haayadda Cheetah Conservation Fun, oo Somaliland kala shaqaysa arrimaha bad-baadinta Harimacadka.

Iyadoo na CCF gacanta ku haysa dhismaha xarunta Xanaaneynta Duur joogta ee Geed-deeble, ee degmadda Daara-salaam, ee gobolka Maroodijeex.

Waxaanay hadda haayadaasi gacanta ku haysaa 91 Harimacad, iyo hal Shabeel, kuwaasoo dhamaanbtoodba laga soo bad-baadiyay dadka sida sharci darrada ah uga ganacsadda duur joogta.


DAAWO: Hadalkii Agaasimaha Waaxda Duur Joogta Ee Furitaanka Tababarkaasi:

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here