“Waxaan cadaynayaa in aanay jirin ciidan ka goostay Somaliland waana khuraafaad”…

0
803

Boocame (Hargeisa Press.com): Taliyaha ciidamadda milateriga Somaliland ee degaanka Boocame oo ka tirsan gobolka Sool, ayaa beeniyay warar sheegayay in ciidamo ka  goostay  Somaliland ay u galeen maamulka Puntland.

Ciidamadaas oo warbaahinta maamulka Puntland oo soo bandhigtay ay ku tilmaameen in ay ka soo goosteen ciidamadda qaranka Somaliland ee jiida Boocame.

Hase yeeshee taliyaha ciidamadda Somaliland ee Boocame  Axmed Jaamac Cartan, ayaa arrintaasi ku tilmaamay mid aanay waxba ka jirin, isla markaana  xubno uu ku sheegay qawlaysato ay dad shacab ah inta ay ururiyeen ka dhigeen ciidamo ka soo goostay Somaliland.

Taliye Cartan iyo xubno ka mida odayaasha degaanka Boocame, oo maanta warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in aanay waxba ka jirin hadalkii Puntland ee ahaa in ciidamo ka soo goostay Somaliland ay u galeen.

“Waxaan halkan ka cadaynayaa in aanay jirin wax ciidan ah oo ka goostay ciidanka qaranka Somaliland ama ciidan beeleedka degaanka Boocame, oo u galay Puntland.

Waxaan idiin cadaynayaa in arrintaasi ay tahay khuraafaad iyo been la dhoob-dhoobay, oo ay tahay ciidamo qolo xamaalato ahi ay ku ururiyeen Boocame, oo ay ka dhigayaan in ay yihiin ciidamadda qaranka Somaliland”ayuu yidhi Axmed Jaamac Cartan.

Isagoo hadalka sii watay-na waxa uu yidhi “Waxaanan mar labaad cadaynayaa in aanay waxaas la ururiyay ahayn ciidan, balse ay ahaayeen dad degaanka iska joogay oo ay u yimaadeen niman xamaaliin ah, oo qolo xamaaliin ahi ka dhigeen ciidamo ciidan qaranka Somaliland ka soo goostay.  Sheekadaasi waxba kama jiraan.

Caado ayay u leedahay Puntland maalin walba in ay been sheegto, oo ay ka sheegto degaankan iyo Somaliland. Wax aan jirin in ay maalin kasta kula dhaqanto beelaha degaankan waa wax aan wanaagsanayn”.

Geesta kale Taliye Axmed Jaamac Cartan, ayaa digniin u diray maamulka Garoowe, oo uu uga digay in aanay ku soo xad-gudbi Karin degaankaasi, isla markaana aanay ku soo xisaabtami Karin in Boocame ay u arkaan meel ka tirsan Puntland.

Waxaanu yidhi “Maamulka Garoowe, waxaan uga digayaa in aanay dhulka degaanka Boocame hal taako ka qaadan akrin, kana cabiran Karin.

Xuduud ayaa inoo dhaxaysa, xuduudkii anagu kamaanaan soo gudbin. Balse idinka ayaa nagu soo xad-gudbay, waanan iska kiin celinaynaa”.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here