“Waxay doonayaan inay shacbi weynaha Hargeisa ma jaro habaabiyaan”…

0
677

Hargaysa (HP): Wasiirka wasaaradda hawlaha guud dhulka iyo guriyaynta ee Somaliland ayaa nasiib darro ku tilmaamay banaan bax ay shalay ku baaqeen in maanta lagu qabto magaaladda Hargaysa xubno ka mid ah xildhibaanadda golaha Wakiiladu.
Wasiir C/laahi Abokor Siciid, waxa uu sheegay in aan wax mudaharaad ah dalka laga qaban Karin ilaa ay soo ogolaadaan haayadaha dawladda ee awoodda u leh, isla markaana ay waajib tahay in dawladda fasax looga soo qaato.
In mudaharaad ama banaan bax la qabto ayuu wasiirku u soo daliishaday in si waafaqsan Xeerka ilaalinta Anshaxa iyo Nabadgeliyadda guud Xeer L/r 51/2012, qodobka 10aad farqadaha 1aad ilaa 4aad in banaan-baxyada lagu xusay.
Sidaas darteedna in ugu yaraan 3 maalmood ka hor xiliga qabashadda mudaharaadka in la ogaysiinayo duqa degmada, gudoomiyaha gobolka ama wasiirka Arrimaha gudaha si loo ogolaado ama loo diido.
Wasiir C/laahi Abokor Siciid, waxa uu sidan ku sheegay qoraal kooban oo uu kaga jawaabayay xildhibaanadii shacabka Hargaysa mudaharaadka ugu baaqay oo uu soo dhigay bartiisa Facebook.

Waxaanu yidhi “Dastuurka waxaa ka farcama Xeerar faahfaahsan. Si waafaqsan Xeerka ilaalinta Anshaxa iyo Nabadgelyadda Guud Xeer L/r 51/2012.
Qodobka 10aad farqadaha 1aad ilaa 4aad ayaa Banaan-baxyada lagu xusay ( ugu yaraan 3 maalmood ayaa la ogaysiinayaa Duqa Degmada, Gudoomiyaha Gobolka ama Wasiirka Arimaha Gudaha ) si loo ogolaado ama loo diido”.
“Waxaa ayaan-daro ah in (Mr. Ambiye) oo Golaha Wakiiladda ambiyay 2 jeer, ayaa shacbi-weynaha Hargeisa doonayaa in u majaro habaabiyo.
Somaliland waa Hooyo Siraad, oo kale dhamaanteen gurmad abaaraha, iyo danyarta haloo gurmado “ sadaqo waa sir” . Somaliland waxay ka mid tahay 4 Dal ee ugu faqiirsan Caalamka, Xukumaddu waxay u qorshaysay U.S $ 3 millions wax ka qabashadda Abaaraha”.

Alla Mahadleh.
Wasiir Cabdilaahi Abokor Cismaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here