SOLJA Oo Saxafiyiinta Ku Bogaadiyay Tebinta Kaalmadda Dadka Abaaruhu Saameeyeen

0
476

Hargaysa (HP): Ururka SOLJA ayaa ku bogaadiyay saxafiyiinta iyo xarumaha warbaahinta ee dalka ka hawlgala qaabka ay tabiyeen arrimaha bulshada iyo kaalmada ay ka gaysanayaan sidii looga qayb qaadan lahaa waxtarka dadka abaaruhu saameeyeen.
Waxaanu Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ku dhiirigelinayaa saxafiyiinta in ay halkaas ka sii wadaan ka waramida guud ahaanba dhacdooyinka ku saabsan arrimaha bulshada.
Sidaasina waxaa lagu sheegay war-saxaafadeed maanta ka soo baxay ururka SOLJA oo uu ku saxeexnaa Agaasimaha Ururka Saxafiyiinta Somaliland ee SOLJA Ismaaciil Axmed Ismaaciil.
WAR-SAXAAFADEED:
Ujeeddo: Tebinta tolmoon ee arimaha bulshada iyo saxaafadda Somaliland.
Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA waxa uu isha ku hayaa qaabka ay saxafiyiinta Somaliland u soo tabinayaan dhacdooyinka ka dhacaya dalka kuwaasi oo ah shaqo ay bulshada Somaliland ka sugayso warbaahintu in ay u soo tabiyaan warar hufan oo xaqiiqo ah kana turjumaya baahiyaha bulshada.
Waxaa dhacda inta badan in loo arko warbaahinta dalku in ay tabiso kaliya wararka siyaasiga ah ama shir-jaraa’idada ay qabtaan siyaasiyiinta dalku kuwaas oo in badan oo bulshada ka mid ahi ay u arkaan in ay tahay wax aan ka turjumayn baahiyahooda.
Hadaba, maalmihii la soo dhaafay waxay warbaahinta Somaliland ku hawlanayd soo gudbinta warar iyo warbixino ku salaysan arrimaha bulshada kuwaas oo aynu ka xusi karno sicir bararka ku yimid maciishada ee uu sababay kor u kaca qiimaha shidaalku iyo abaaraha ka taagan deegaano badan oo dalka ah kuwaas oo ay muhiimad gaar ah siiyeen sidii ay u soo bandhigi lahaayeen xaalada iyo heerka abaarta dalka ka jirta ay marayso iyo kaalmooyinka la gaadhsiinayo dadkaas tabaalaysan.
Sidaasdaraadeed, Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA wuxuu ku bogaadinayaa saxafiyiinta Somaliland iyo dhammaan xarumaha warbaahineed ee dalka ka hawlgalaa qaabka ay tabiyeen arrimaha bulshada iyo kaalmada ay ka gaysanayaan sidii looga qayb qaadan lahaa waxtarka dadka abaaruhu saameeyeen.
Wuxuuna ku dhiirigelinayaa saxafiyiinta in ay halkaas ka sii wadaan ka waramida dhacdooyinka ku saabsan arrimaha bulshada guud ahaan.
Gebogebadii, wuxuu ururku si gaar ah ugu mahadcelinayaa saxafigii soo taabiyay warbixinihii ku saabsanaa saamaynta kor u kaca qiimaha shidaalku ku yeeshay gaadiidleyda basaska maagalada Hargaysa iskaga goosha iyo dareenka dadka ganacsatada ah ee ku ganacsada suuqa Jaamac Gunti ee magaalada Hargeysa.
Kuwaasoo ahaa kuwo bulshada dareenkooda soo jiitay iyo sidoo kale saxafigii soo gudbiyey warbixintii laga diyaariyey hooyadii dan yarta ahayd ee sida qiirada leh uga cabanaysay saamaynta sicir babarka maciishadu ku yeeshay nolosheeda iyo ta dadkaba warbixintaas oo ahayd mid taabatay dareenka bulshada falcelin togana ay ka sameeyeen bulshada Somaliland.
Ismaaciil Axmed Ismaaciil
Agaasimaha Ururka Saxafiyiinta Somaliland ee SOLJA.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here