“Waxa Nasiib Darro ah In Degmada Tog-Wajaale Oo Ay Deganyihiin 50.000 Qoys In Kabadani in Xildhibaankeedii u Hadli Waayo ” Maxamed Xabiib

0
1318
Gudoomiyihii u Horeeyay ee Gobolka Gabiley Maxamed Axmed Aw Cabdi(Xabiib) PHOTO FILE

TOG-WAJAALE — Gudoomiyihii u Horeeyay ee Gobolka Gabiley Maxamed Axmed Aw Cabdi(Xabiib),oo Siyaasi qunyar Socod ah ayaa si taxadir leh uga hadley Qoddob ku sahabsan Xiisada ka kacdey kala Xadeynta Gobolada iyo Degmooyinka isagoo sigaar ah farta ugu Fiiqey in Degmada Tog-Wajaale oo uu Ku Tilmaamey in 50.000(Konton kun), oo qoys in ka badani ku Nooshahey aan Xildhibaankeedii uga hadal Golaha Dhexdiisa sidaa Daraadeedna ay taasi Sabab u Noqotey in Gobolkii Gabiley, ay isku dhereriyaan Tuulooyinkii Mudanayaashoodu Golaha ka Qeylyeen.

Maxamed Axmed Aw Cabdi(Xabiib), oo Maanta kulan kula Qaatey Maamulka iyo Odoyaasha Degmada Tog-Wajaale, Waxa uu si aad ah uga Xumaadey, in aaney habayaraatee, Mudanayaasha Golaha Wakiilada ugu jirra Gobolka Gabiley aaney, Marnaba kasoo bixin Kaalintoodii Islamarkaana, aaney Marna Barbar joogsan Maamulka iyo odoyaasha,isagoo Nasiib Darro ku Sheegay in aan Maanta Xattaa la Xusin Doorkii ay Mudneyd Degmada Tog-Wajaale.

“Waxaa Nasiib Darro ah in Degmada Tog-Wajaale oo ay ku nool yihiin Maanta in ka baddan 50.000 qoys(Konton Kun), oo Isataraatijiyad iyo Muhiimad gaar ah u leh Dadka Somaliland iyo Dalka Somalilandba in aan Xildhibaankeedii u hadal markii uu u hadli Waayayna ay taasi Sabab u noqotey, in Xildhibaano Meelahoodii u Dhawaaqey ay dadkoodii u sheegaan Waxaan caqli gal aheyn oo Gabolkii Gabiley lagu dhereriyo Tuulooyin, taasi Somaliland ceeb ayey ku tahey, qofna loo diidi maayo in uu Xuquuqdiisa Ka hadlo oo Degmadiisa u Dacwiyo, Laakiin Waxaa Ceeb iyo Foolxumo ah in taa badelkeeda aad ku Duudsido Degmooyin Kaalin Qaad ah oo aan Tirada dadkooda, dhaqaalahooda, Isataraatijyadooda iyo Degmanimadooda aaney Suurtagal aheyn, in lagula Maseeyo oo Tusaale loogu Soo qaadi Karro, aad barbar keento, Taadii Xaq u heli Maysid markaa, Maanta Waxey aheyd in Degmada Tog-Wajaale cududeeda Muujiso oo ay Baanaan-bax balaadhan isugu soo Baxaan” Ayuu yidhi Xabiib Gudoomiyihii u Horeeyay ee Gobolka Gabiley.

Waxaanu intaa ku darrey hadalkiisa “Banaanbaxyadii Xisbiyadda Magaalo Walba Dadbaa la Geyn Jirrey Tog-Wajaale Dadkeedu Si Darreen Xambaarsan ayey ugu Soo bixi jireen Xisbigaa Kulmiye Markii uu Mucaaridka ahaa iyo Markii Dambe ee Madaxweynaha Muuse Biixi iyo Kuxigeenkiisa Saylici loo Olalaynayay Meelna Qof loogama Soo Ergisin, Waan ku Baraarujinayaa Xildhibaanka Iyagga Matella iyo Shacbigeeduba in ay Usoo jeestaan in Doorkooda La Muujiyo, Ilama aha in Tog-Wajaale iyo Alleybadey, iyo Arabsiyo La Qarin karro Xuquuqdooda Tog-Wajaale Maanta Waa Lix Waaxood oo Xaafaddaha Degmadu Ka Kooban Tahey” Ayuu yidhi.

Degmada Tog-Wajaale oo ah Degmo ay Ku Gaafwareegsan Yihiin Dhulbeereedka-Mashruuca Tog-Wajaale, islamarkaana ku taala Dhul Joogiisu aad u Sareeyo, oo ay ku nool yihiin Dad aad u Tirra baddan, Sidoo kalena ah Degmo Taariikh iyo Facweyn ku leh Dhinaca Ganacsiga, oo ay u Muuqato Bogcad Xaga Eebe Laga Barakeeyay, Waxaaney hada Nasiib u heshay in Maamulka Degmada ee Xiligani uu Dedaal baddan kawaddo dhinacyadda Arimaha Bulshada gaar ahaana, Nadaafadda guud iyo Fayo-dhawrka oo la Xoojiyau kadib Markii Maamulka Degmada lagu Soo celiyay Xaashi Muxumed Cabdi(Gudoomiyaha Degmada Tog-Wajaale), oo dhawaan Degmada kusoo Kordhiyay in Dakhliga Cashuuraha looga Soo iibiyo Qalab Asad u ah D/hoose ee Degmada Tog-Wajaale Cagafta Weyn ee Baldawsarta ah,Booyad,Iskarogooyinka Khashinka lagu Gurro iyo Qeybo kamid ah Dab-damiska.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here