Baanka Dhexe ee Somaliland oo Ruqsad Siiyey Bangiga Gaarka ah ee loo Yaqaan Amal Bank

0
1992

Hargeysa,(HargeisaPress) —Baanka Dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa ogolaansho siiyey Bangiga Ganacsiga ee Amal Bank, kaasoo ka hawlgeli doona gudaha dalka Somaliland, iyadoo Bangigan gaarka ah ballanqaaday inuu shaqo-abuur u samayn doono dhallinyaro badan.

Sidaana waxa lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay Baanka Dhexe ee Somaliland, kaasoo u qornaa sidan; “Waxa uu maanta (maalintii Isniinta) oo taariikhdu tahay 13kii bisha May 2019, kulan ku dhexmaray xafiiska Guddoomiyaha Baanka Dhexe, madaxda Baanka Dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo madaxda Baanka ganacsiga ah ee AMAL BANK.

Kulankan oo ujeedadiisu ahayd in la ogaysiiyo madaxda Baanka ganacsiga ah ee Amal Bank in la aqbalay codsigoodii, kana hawlgali karaan Jamhuuriyadda Somaliland.

Kulankan waxa goob-joog ka ahaa Wasiirka Wasaaaradda Horumarinta maaliyadda Dr Sacad Cali Shire, waxa dhinaca Baanka Dhexe uga qaybgalay kulankaas, Guddoomiyaha Baanka Dhexe Mudane Cali Ibraahim Jamaac, Agaasimaha Guud ee Baanka Dhexe Mudane Axmed Xasan Carwo, iyo Agaasimaha Qaybta kormeerka iyo Ruqsad-siinta Mudane Cabdiraxmaan Muuse Cabdi.

Dhinaca Baanka Amal, waxa hoggaamiyey guddoomiyaha guud ee AMAL Bank mudane Siciid Cali Shire, oo uu wahelinayo Mudane Maxamed Daahir iyo qaar ka mid ah, mulkiilayaasha iyo guddida agaasinka (BOD) AMAl Bank.
Kulan waxaa lagaga wadahadlay sidii uu Amal Bank uga qaybqaadan lahaa koritaanka dhaqaalaha dalka Somaliland, sida;

  • Shaqo-abuurka dhallinyaradda iyo haweenka
  • Taageeridda Ganacsiga yaryar
  • Is dhexgal ganacsi ee Geeska Afrika

Agaasimaha Guud ee Baanka Dhexe, Ahmed Xasan Carwo ayaa ka waramay xaaladda guud ee Hay’addaha maaliyadeed ee dalku ku sugan yihiin, isaga oo soo dhaweeyay in AMAL Bank ku soo biiraan saaxadda Baananka ee dalka, intaa ka dib,Guddoomiyaha Baanka Dhexe Md. Cali Ibraahim Jamaac ayaa si rasmi ah ugu bushaareeyay AMAL Bank ogolaashaha ruqsadda ay kaga hawl gali doonaan dalka, sidoo kale, Wasiirka Maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire ayaa isna kula dardaarmay in ay suuqa ku soo kordhiyaan adeegyo cusub iyo tartan maaliyadeed.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Guud ee Amal Bank Mudane Siciid Cali Shire, ayaa ugu horayn ballanqaaday in ugu yaraan 1500 oo dhallinyaro ah shaqo u abuuri doonaan saddexda sanno ee soo socota, sidoo kale, waxaa uu sheegay in ay 1000 dumar ah ay siin doonaan daymo aan dul-saar lahayn. (Qardul Xasana).

Guddoomiyaha Guud ee Amal Bank waxaa uu sidoo kale sheegay in ay suuqa ku soo kordhin doonaan tartan iyaga oo ku taamaya in ay noqon doonaan Bangiga ugu horeeya ama ka labaad ee dalka. Shirku wuxuu ku soo dhamaaday is-faham iyo is-afgarad,” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka ka soo baxay Baanka Dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland.

LEAVE A REPLY