Wasiirrada Arrimaha Dibedda Itoobiya iyo Jabuuti oo wadahadal yeeshay

0
1041

Djibouti (Hargeisa Press)- Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Itoobiya, Gedion Timothewos, ayaa wadahadallo la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf.

Wasiirka arrimaha dibedda ee Itoobiya Gedion Timothy, ayaa ku sugan dalka Jabuuti halkaas oo uu ka furmayo wadahadallo laba geesood ah.

Intii uu socday wadahadalku, Wasiirka arrimaha dibedda Itoobiya Gedion Timothewos, waxa uu carabka ku adkeeyay in xidhiidhka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dal uu tusaale u yahay kobcinta iskaashiga gobolka.

Wuxuu carabka ku dhuftay sida ay Itoobiya uga go’an tahay ilaalinta nabadda iyo xasiloonida gobolka iyo sida hagar la’aanta ah ee ay uga go’an tahay la dagaalanka Al-Shabaab.

Labada dhinac, ayaa ka wadahadlay tayeynta adeegyada dekedaha Djibouti, balaadhinta awoodda goobaha shidaalka, dhamaystirka dhismaha jidka isku xidha Dikhil-Galafi, horumarinta guud ahaan habsami u socodka gaadiidka xamuulka iyo dhoofinta.

Wasiirka arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf, ayaa hoosta ka xariiqay in saaxiibtinimada labada dal uu yahay mid ku qotoma xidhiidhka qoys ee ay wadaagaan dadkooda, wuxuuna caddeeyay inuu sii socdo.

Wuxuu bogaadiyay dadaallada Itoobiya ee horumarinta nabadda iyo xasilloonida waarta, wuxuuna carrabka ku adkeeyay in si wadajir ah looga hortago Al-Shabaab.

Waxa uu xusay inay socdaan hawlo dheeraad ah oo lagu xoojinayo shidaalka Itoobiya ee ku xidhan dekedda Damerjoog ee Jabuuti.

Wasiirka arrimaha Dibedda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf, ayaa sheegay in dhismaha wadada isku xidha Dikhil-Galafi ay si habsami leh u socoto, isla-markaana la filayo in dhowr bilood gudahood lagu soo gaba gabeeyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here