Masuuliyiintii Xisbiga Waddani Ee Xidhnaa oo Loo Wareejiyay Xabsiga Madheera

0
1062

Hargeisa (Hargeisa Press)- Wararka xogogaal ah soo gaadhaya Shabakada Hargeisa Press, ayaa waxaa ay sheegayaan in masuuliyiintii Xisbiga Waddani ee xidhnaa laga wareejiyay xabsigii ay ku xidhnaayeen ee Hargeysa.

Masuuliyiintan oo ay xukuumada Somaliland xalay xidhay ayaa kala ah Barkhad Jaamac Batuun oo ah Afhayeenka Xisbiga Waddani iyo Khadar Xuseen Cabdi oo isna ahaa Xoghayaha Xisbigaasi.

Xadhigan labada masuul ee ka tirsan xisbiga Waddani ayaa yimid ka dib markii uu xalay Barkhad Jaamac Batuun oo ah Afhayeenka Xisbiga Waddani uu Jawaab ka bixiyey hadalkii ka soo yeedhay Taliyaha Ciidanka Bileyska Somaliland.

Dhinaca kale, Wararka aanu helsyno ayaa xaqiijiyay in labadan masuul oo ku xidhnaa xarunta dambi-baadhista C.I.D-da ee Hargeysa loo wareejiyay xabsiga weyn ee Madheera ee gobolka Saaxil.

Gelinkii hore ee Maanta ayay ahayd markii Rabshado dhexmaray Ciidamada Booliska Somaliland iyo Taageerayaasha Xisbiga Waddani ay ka dhaceen Xarunta Xisbiga WADDANI ee Magaalada Hargeysa, waxaana Rabshadahaas ku dhaawacmay Hal Askari.

Wixii warara ee ka soo kordha waan idiin soo gudbin doonaa….

Wariye: Xamse Jirde

Hargeisa Press Desk/ Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here