Hargeysa (Hargeisa Press)- Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha dastuurka Somaliland Maxamed Xaaji Aadam Cilmi, ayaa maanta furey kulan dib loogu eegayo qorshihii 2022-ka.
Wayaana kulankaasi lagu faaqidi doonaa waxyaabihii u qorshaysnaa ee qabsoomay iyo waxyaabaha aan qabsoomin.
Furitaanka kulankaasi waxaa ka soo qayb galay agaasimaha guud ee wasaaradaasi, agaasime waaxeedyadda, iyo shaqaalaha kale.
DAAWO: Hadalkii wasiir Maxamed Xaaji Aadan ee furitaanka kulankaasi: