Guddoomiye Xamarje: “Adeerkay Muuse Biixi Ma Garanayo Cidda Uu Isku-halaynayo”

0
1552

Hargeysa (Hargeisa Press) – Guddoomiye ku xigeenka Xisbiga Waddani Axmed Cumar Xaaji Cabdillaahi Xamarje, ayaa xukuumadda Somaliland ku eedeeyay in ay isku dayday in la dilo, maalintii bannaanbaxa 11 August.

Guddoomiye Xamarje oo maalintii bannaanbaxa xabsiga loo taxaabay, ayaa sheegay in intii aan la qaban laysku dayay in shil baabuur oo loo qasdiyay lagu dilo, iyada oo baabuur uu watay baabuur lagu dhuftay.

Xamarje, ayaa sheegay in markii uu iskudayga dil ka bad baaday, kadibna loogu yeedhay ciidamada ilaalada wadooyinka, hadana isla markiiba la dhaafiyay oo xarunta danbi baadhista la geeyay iyada oo lagu eedeeyay in uu sitay bastoolad.

Maxkamadda Degmada Hargeysa, ayaa Xamarje xabsiga ka sii daysay maalintii Sabtida kadib markii uu iibsaday laba bilood oo xabsiga oo maxkamadu ku xukuntay, kadib markii lagu helay in uu sitay bastoolad aan sharciyaysnayn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here